Saturday 13 April 2013

Gudigii baarlamaanku u saaray baaritaanka dad lagala baxay xabsiyada dowlada kadibne la dilay oo faah faahiyey halka ay wax u marayaan



Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha gudi hoosaad uu baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya uu u  saaray baaritaanka 4 ruux oo lagala baxay xabsi ay maamusho dowlada Soomaaliya oo ku yaalla magaalada Muqdisho kadibne la dilay isla markaane Meydkooda lasoo dhigay wadooyinka caasimada Muqdisho xildhibaan C/xakiin Cige Guuleed ayaa ka warbixiyey halka ay u mareyso hawshii loo xilsaaray.
Xildhibaan Cige ayaa sheegay in caqabado dhowr ah oo uusan carrabaabin oo  ka hor yimi awgood aysan wali ku guuleysan ogaanshaha arintaas iyo cadeymaha ku saabsan sida ay u dhacda  arintaas oo buuq iyo su’aalo badan ka dhex abuurtay hay’adaha dowlada Soomaaliya.
C/xakiin Cige Guuleed ayaa sheegay iney wali wadaan baaritaanada ku saabsan arintaa waline aysan helin macluumaadkii ay u baahnaayeen si ay usoo gudbiyaan warbixin buuxda oo ku saabsan sida ay u dhacday in xabsiyada dowlada lagala boxo maxaabiis ku jirtay kadibne la toogto
Bishii Maarso ee ina dhaaftay ayey ahayd markii wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkay meydka 4 ruux oo dhalinyaro ah kuwaas oo xabsiyada dowlada Soomaaliya ugu xirnaa tuhun la xiriiri iney ka tirsanaayeen alshabaab arintaas oo xukuumada iyo baarlamaanku ay u saareen gudiyo kala gadin,mana cada ilaa hada sida ay u dhacday arintaas.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan u yeeray wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed si ay wax uga weydiiyaan arinta ku saabsan dilka loo geystay maxaabiista ku jiray gacanta dowlada Soomaaliya.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...