Tuesday 23 April 2013

Ethiopia oo Si Rasmi ah u Shaacisay Inay Ciidamadeeda Kala Baxayso Soomaaliya (Maxaa Soo Kordhay?)



ADDIS ABABA (RBC) Raysul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday in dhammaan ciidamada Ethiopia ka jooga gudaha Soomaaliya ay ka soo baxayaan, isla markaana ciidamadiisu ay ku soo laabanayaan soohdinta.
Hailemariam Desalegn ayaa hadalkan u sheegay baarlamaanka Ethiopia oo uu hadal u jeediyey maanta, isagoo dhaliilay hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan iyo dawlada federaalka Soomaaliya.
Raysul wasaaraha Ethiopia wuxuu ku eedeeyay saraakiisha AMISOM iyo dawlada Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho inay ku fashilmeen inay amaanka goobaha ay joogaan ciidamada Ethiopianka kala wareegaan.
“Waxay ku qaadatay [AMISOM iyo Dawlada Soomaaliya] mudo sanad ah inay nagala wareegayaan amaanka, bil kastana way ku soo celceliyaan, laakiin way ku guuldareysteen inay amaanka la wareegaan sidaasi darteed annaga waanu ka baxaynaa.” ayuu yiri Hailemariam Desalegn oo la hadlay baarlamaanka wadankiisa.
“Arrinta ugu weyn hadda waxay tahay sidii aan si buuxda uga bixi lahayn, una iman lahayn soohdinta. Waana taas mida aan hadda fulineyno.” ayuu sii raaciyey.
Raysul wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in ciidamada Ethiopia aysan qeyb ka ahayn hawlgalka AMISOM, kharashka ku baxaya ciidamada ay isu qabto dawlada Ethiopia sidaasi darteedna aysan Ethiopia sii wadi karin hawlgalka gudaha Soomaaliya.
Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegtay in Ethiopia oo si iskeed ah ugu qeybqaadaneysay dagaalka gudaha Soomaaliya lagula jiro kooxda Al Shabaab inay uga baxayso lacag badan oo aysan jirin cid u magdhabeysa sida wadamada kale ee ku jira AMISOM sida Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti.
Danaha Ethiopia
Mid ka mid ah diblomaasiyiinta reer Galbeedka ee ku sugan Nairobi ayaa Reuters ka soo xigatay in Ethiopua ay danteeda amni ku jirto Soomaaliya inay faraha kula jirto sidaasi awgeedna aysan suurtagal ahayn in ay iska bedesho qorsheheeda ku wajahan Soomaaloya.
Bishii Maarso ciidamada Ethiopia waxay markii ugu horreysay ka bexeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool taasoo sababtay in kooxda Al Shabaab ay si fudud ula wareegaan.  Dawlada Soomaaliya iyo saraakiil AMISOM ayaa markaasi kadib sheegay in ay deegaanada kale ee ay joogaan Ethiopianka kala wareegi doonaan.
Warar dhowaan soo baxay waxay sheegayaan in Ethiopianka meelaha kale ay ka baxayaan ay ka mid yihiin Beledweyne iyo Baydhabo oo ciidamo AMISOM ahi ay joogaan.
RBC Radio

1 comment:

Anonymous said...

Great site you've got here.. It's hard to find quality writing like yours nowadays.
I really appreciate individuals like you! Take care!
!

Feel free to visit my website; Male Enhancement

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...