Saturday 13 April 2013

DEG DEG: Dawlada Federaalka Soomaaliya Iyo Somaliland oo Heshiis 7-Qodob Goordhow Ku Saxiixay Turkiga (Akhriso)



Ankara (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa galabta soo gabagabeeyay kulan ay ku yeesheen magaalada Ankara ee xarunta wadanka Turkiga.
Waxaa goordhow labada dhinac ay wada saxiixeen heshiis ka kooban toddoba qodob kuwaasoo ay labada dhinac ku heshiiyeen kadib kulankii maanta ku dhexmaray labada dhinac magaalada Ankara oo ay ku martigelisay dawlada Turkiga.
Haddaba waxaa Raxanreeb soo gaaray qodobada heshiiskaasi oo sidan u dhigan;-
1-  Labada dhinac [dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawlada Somaliland] inay sii wadaan wadahadalada u socda.
2- Labada dhinac waxay ayideen labadii heshiis ee hore ee wadahadalada ahaa ee dhexmaray dawladii kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
3- In labada dhinac ay wadahadalada sii wadaan iyadoo beesha caalamka dhanka farsamada ka caawin doonto.
4- In Iskaashi buuxa laga yeesho dhanka nabadgelyada iyo tababarada ciidamada amaanka.
5- In la wadaago deeqaha beesha caalamku siiso Soomaaliya oo Somaliland qeybteeda ka hesho.
6- In muddo 90 cisho gudahood ah kulan labaad lagu qabto, kulankaasoo ka dhici doona magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.
7- In labada dhinaca ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara wadahadalada socda.
Heshiiskan dhanka dawlada federaalka Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha C/kariinXuseen Guuleed, dhanka maamulka Somaliland waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/laahi Cumar.
Saxiixa heshiiska oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wufuuda labada dhinac iyo masuuliyiinta dawlada Turkiga.
Heshiiskan toddobada qodob ah ayaa ka dambeeyaykulan hal saac qaatay oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ku wada yeesheen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, iyadoo uu goobjoog ka ahaa kulankaasi wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.
Kulankaasi ka dib ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo waxay kulan albaabada u xiran yihiin ay la yeesheen raysul wasaaraha Turkiga Rajjeb Deyib Erdugan iyo madaxweynaha Turkiga Cabdallah Goul oo ku qaabilay qasriga madaxtooyada ee magaalada Ankara.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...