Monday 29 April 2013

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo rajo wanaagsan ka muujiyey dhisida maamulka Jubaland



Kismaayo(RBC Radio) R/wasaarihii hore ee dowladii kumeelgaarka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirka Kismaayo uu guuleysto isla markaane la dhiso maamul goboleed ay ku mideysan yihiin dadka ku dhaqan gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in dadaalo wax ku ool ah oo lagu dhisayo maamulka Jubaland ay xiligan ka socdaan magaalada Kismaayo,wuxuuna tilmaamay in shirka Kismaayo uu kasoo bixi doono maamul goboleed ay isku waafaqsan yihiin bulshada kasoo jeeda goboladaas,kaasoo hoos tagi doona dowlada deferaalka Soomaaliya.
R/wasaarihii hore Cumar C/rashiid ayaa mar kale ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney u hogaansanto rabitaanka shacabka goboladaas, isla markaana ay taageerto shirka maamul u samaynta Jubaland ee xiligan ka socda Kismaayo kaasoo ay dowladu ku tilmaantay mid sharci darro ah.
Cumar C/rashiid ayaa ku nuuxnuuxsaday in dadka deegaanka Jubooyinka iyo Gedo ay u baahan yihiin helida maamul dhab ah oo iyaga ka yimaada kaasoo deegaanka ka samata bixiya dhibaatada xiligan ka jirta deegaanka sida uu tilmaamay.
Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida weyn ula dhacsan shirka maamul u samaynta Jubaland ee ka socda magaalada Kismaayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...