Friday 12 April 2013

Ciidanka Ethiopia oo Rasaas ku furay Dad Salaada Jimcaha ku Tukanayey Masjidka Nuur ee magaalada Beledweyne



Beledweyne(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in daqiiqado ka hor ay ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee ku sugan magaaladaas ay weerar ku qaadeen masaajid ku yaala bartamaha magaalada Beledweyne oo ay xiligaas dad fara badan ku tukanayeen Saalada Jimcaha.
Wararka aynu ka heleyno gudaha magaalada  Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo wata gaadiidkooda dagaalka qaarne ay lugaynayaan ay isku gadaameen Masjidka “Nuur” oo dadka qaarne ay u yaqaanaan Dabaqeynka oo ku yaala bartamaha magaalada Beledweyne Ciidanka Ethiopia ayaa rasaas ooda kaga qaadeen dadkii gudanayey Salaada Jimcaha ee ku jiray gudaha Masjidka.
Rasaastaas ayaa dhalisay dhimashada inta la xaqiijiyey 1 Ruux oo kamid ahaa Jamaacadii Masjidka ku tukanayey waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 4 ruux oo kale markii ay bilaabatay rasaasta ay ciidanka Ethiopia la dheceen dadka shacabka ah ee gudanayey waajibka Salaada Jimce ayaa waxaa masjidka iskaga baxsaday dhamaan dadkii Salaada ku jiray.
Dhacdadan ay ciidanka Ethiopia ku dhaqaaqeen ayaa yaab iyo amakaag ku noqotay bulshada magaalada Beledweyne,dadka ayaa la yaaban waxa keenay in ciidamada Eythiopia ay si bareer ah rasaas aan loo meel dayin la dhacaan dad shacab ah oo ku guda jira Masjid,Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa looga bartay iney rasaas dhan walba u furaan xiliyada lala beegsado qaraxyada balse waxa ay dad badani la yaaban yihiin waxa ku xambaaray ciidanka Ethiopia iney gumaadaan dad rayid ah xili aysan wax dhibaato ah ka jirin goobta ay dadka ku dhibaateeyeen.
Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ayaan wali ka hadlin falka waxashnimada ah ee maanta ay ciidamada Ehiopia ku bartilmaameedsadeen  shacabka rayidka ah ee ku cibaadeysanayey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...