Monday 18 March 2013

XOG: Ciidamada Ethiopia oo Qorsheynaya Inay Ka Baxaan Baydhabo Iyo Faahfaahin Laga Helayo Sababta Ay Xilligan Uga Baxayaan Baay Iyo Bakool



BAYDHABO (RBC) Warar laga helayo ilo militari oo ku sugan gobolka Baay ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Baydhabo ay isu diyaarinayaan sidii ay uga bixi lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasoo ay ku sugnaayeen mudo ku dhow sanad.
Bixitaanka ciidamada Ethiopianka ee magaalada Baydhabo ayaa la xiriirta ka bixitaankii ay maalintii Axadda ee toddobaadkan ka bexeen degmada Xuduree xarunta gobolka Bakool halkaasoo kooxda Al Shabaab ay la wareegtay isla maalintaas.
Saraakiil lagu kalsoonaan karo oo aan rabin in magacooda u adeegsano warbixintan ayaa Raxanreeb u sheegay in sababta bixitaankaciidamada Ethiopia ee degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool ay salka ku heyso muran beryahan ka dhextaagnaa dawlada federaalka Soomaaliya oo maamulo cusub u magacawday gobolladaas iyo saraakiisha Ethiopianka oo cadeeyay inaysan ku qanacsaneyn ragga maamulka gobollada Baay iyo Bakool loo soo magacaabay.
Dhowaan ayaa maleeshiyo daacad u ah gudoomiyihii hore ee gobolka Baay C/fataax Ibraahim Geesey waxay magaalada Baydhabo ku weerareen gudoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay gobolka Cabdi Aadan Hooshow oo xilligaas hotel ku yaalla Baydhabo deganaa.   Arrintaas waxaa la sheegay inay ku lug lahaayeen ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Baydhabo oo saaxiib dhow la ah C/fataax Geesey.
Sidoo kale waxay Ethiopiuanka dhowaan ka horyimaadeen xilka qaadis lagu sameyn lahaa gudoomiyihii gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo dadka gobolka ay si weyn uga cawdeen kaasoo isaguna saaxiib dhow la ahaa saraakiisha Ethiopianka ee ku sugan Beledweyne.
Hub la’aan heysata ciidamada dawlada
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur [Sheekh Aadan Madoobe] oo xalay la hadlay idaacadda VOA ayaa ku micneeyay sababta ka bixitaanka ciidamada Ethiopiadegmada Xudur inay tahay amar ka soo baxay dawlada Ethiopia.
“Saraakiisha ciidamada Ethiopia markii aan la hadalnay waxay noo sheegeen in amar laga soo siiyey dawlada Ethiopia oo la faray inay isaga soo baxaan.” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Ciidamada Ethiopianka waxay toddobaadkan ka bexeen degmada Xudur.
Sheekh Aadan Madoobe wuxuu intaa ku daray in ciidamada Soomaalida ee halkaasi ku sugan aysan awood u lahayn inay ka hortagaan Al Shabaab maadaama hub iyo rasaas ku filan aysan heysan, taasna ay keentay in Ethiopianka markii ay bexeen in iyaguna ay sii raacaan.
Dhanka kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa cadeeyay in markastaba la sugayey in Ethiopianka ay ka baxaan gobollada ay ku sugan yihiin maadaama heshiis hore oo dawlada Soomaaliya iyo Ethiopia wada galeen ay ahayd in meelaha laga saaro Al Shabaab ay la wareegaan ciidamada AMISOM.
Haddii ciidamada Ethiopinka ay baneeyaan magaalada Baydhabo waxay noqoneysaa magaaladii labaad ee ay baneeyaan ciidamada Ethiopianka oo mudo sanad ah ku sugnaayeen gobollada Baay iyo Bakool.  Laakiin saraakiisha dawlada ee gobolka Baay ayaa Raxanreeb waxay u sheegeen in magaalada Baydhabo ay ka duwan tahay degmada Xudur maadaama ciidamo AMISOM ay joogaan iyaguna ay ku filan yihiin amaanka Baydhabo.
Isbedelada maamulada gobollada ee ay bilawday wasaaradda arrimaha gudaha dawlada federaalka ayaa la aaminsan yahay inay u dheceen hab aaney ku qanacsaneyn dawlada Ethiopia oo u aragta in saraakiishii la soo halgamay aadna ugu dhowaa iyaga meesha laga saaray taasoo ka dhigan in rag aan Ethiopianka ku fikir ahayn loo dhiibay maamulada gobollada dalka, waana taas sababta ugu weyn ee la tilmaamayo inay ciidamada Ethiopianka uga guurayaan degmooyinkii ay horey uga saareen ururka Al Shabaab.
Dadka arrimaha amaanka yaqaana ayaa sheegaya in arrintan ay caqbad hor leh ku noqon karto dawlada cusub ee Soomaaliya ayna u baahan tahay inay si taxadar leh ku wajahdo isla markaana ku diyaariso ciidan awoodi kara inay sugaan amaanka deegaanada ay ka baxayaan Ethiopianka.


RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...