Wednesday 27 March 2013

Wasirka Arrimaha Gudaha oo faah faahin kooban ka bixiyay kulamadii maanta ee dowladda iyo maamulka Kismaayo



Kismaayo, March 27,2013——Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo galabta shir shir jaraa’id u qabtay bahda warbaahinta magaalada Kismaayo ayaa faah faahin kooban ka bixiyay kulamo ay saacadihii ugu dambeeyey la qaateen qeybaha kala duwan ee magaalada, gaar ahaana maamulka magaalada, odayaasha, iyo waxgaradkaba.
Wasiirka ayaa tilmaamay in kulan ay maanta wada yeesheen guddiyo matalaya dowladda iyo maamulka Kismaayo oo soconayay saacado lagu gorfeeyey qodobo ay ka mid ahaayeen sidii maamul rasmi ah loogu dhisi lahaa jubbooyinka, dhaqangelinta Nidaamka Federaalka, iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, gaar ahaana dakhliga ka soo xarooda Dekedda iyo Garoonka, iyo qodobo kale, waxaana Wasiirku uu sheegay in natiijada rasmiga ah ay warbaahinta u sheegi doonaan marka ay soo dhamaadaan kulamadan.
Guddiyada matalaya labada dhinac ayaa waxaa kala hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane C/kariin, halka dhanka maamulka Kismaayo uu hogaaminayo Macalin Maxamed.
Wasiirka ayaa dhanka kale, xusay in ay jirto ifafaalo wanaagsan oo ku aadan in wadahadaladani ay ku soo dhamaadaan is faham. wuxuuna shacabka ka codsaday inay taageeraan go’aanada la gaaro.

3 comments:

Anonymous said...

hi!,I love your writing very a lot! percentage we keep in touch more approximately your article
on AOL? I need a specialist on this house to resolve my problem.
May be that's you! Looking forward to peer you.

My page :: ロレックスレプリカ

Anonymous said...

Hi there, just became aware of your blog through Google, and found that it is truly informative.
I'm gonna watch out for brussels. I will be grateful if you continue this in future. Many people will be benefited from your writing. Cheers!

my webpage; ロレックスレプリカ

Anonymous said...

My brother suggested I might like this web site. He was entirely right.
This post truly made my day. You can not imagine just how much time I had spent for
this information! Thanks!

Review my website - rolexsale-shop.com

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...