Wednesday 20 March 2013

Wararka Xildhibaanada BF Soomaaliya oo uu haysto imtixaan adag oo la xiriira…



Iyada oo xildhibaanadu ay bilaabeen shaqada ah dib u fiirinta dastuur gobaleedka Soomaaliya, ayaa waxay u baahan yihiin in ay ka taxadaraan samaynta nidaamyo la raaco oo la xidhiidha abuurka goballo fedraal ah, falanqeeyayaasha ayaa sidaas leh.
Dib u eegiddan oo bilaabatay Maarso 9-keedii, ayaa qaybta ay dadka ay arrintan khusayso aadka indhaha ugu hayaan ay tahay Qodabka 49-aad, kaas oo ka hadlaya tirada iyo xuduudaha goballada federaalka ah.
“Federaalnimadu waa wax ku cusub Soomaaliya, haddii qaabka loo samaynayo goballada federaalka ah ee billowga ah uusan noqonin mid haboon, khayraadkana aan si cadaalad ah loo qaybinin, tani waxay sababi kartaa khilaaf cusub oo waddanka ka dhaca,” Axmed Aadan oo falanqeeye dhinaca siyaasada ah deggana Muqdisho ayaa sidaas yidhi.
Samaynta Federaalnimada Soomaliya waxay noqon doontaa mid dhibkeeda leh oo madaxdu ay tahay in ay la yimaadaan xikmad, xeeldheernimo iyo sabar, ayuu yidhi.
Sida ku qoran dastuurkii ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya bishii Agoosto, ayaa labo aag ama ka badan ay ku midoobi karaan inay sameeystaan gobal leh matalaada dawlada federaalka.
Laakiin, xildhibaanada ayay tahay in ay go’aamiyaan inta gobal ama aag ee maamul ee uu oggolaan karo nidaamka cusub ee federaalka, maadaama uusan dastuurka hadda arrintaas caddayn. Xildhibaanada ayaa sidoo kale qeexaya sidii khayraadka loogu qaybin lahaa goballada mustaqbalka ee Soomaaliya.
“Hadii aan fiirino qaar ka mid ah goballada waddanka ka jira, waxaan arkaynaa in lagu sameeyay aasaas qabiil,” Jaamac Maxamed, oo horay u ahaan jiran macallin qaanuunka ka dhiga Jaamacadda Qaranka ee Soomaaliya ayaa sidaas yidhi.
Wuxuu sheegay in xildhibaanada ay waajib tahay in ay noqdaan kuwo xaqa ilaalinaya aysana u ogolaanin kuwa qabiilaystayaasha ah in ay saamayn ku yeeshaan.
“Haddii gobollada federaalka ah ee la samaynayo lagu dhiso hab qabiil, tani waddanka ayay kala jajabinaysaa xaaladana way sii xumaynaysaa, sababta oo ah waxay hurinaysaa tartanka qabaaisha, taas oo laga yaabo in ay sii dheerayso khilaafka Soomaaliya,” ayuu yiri.
‘Habka ugu haboon ee dawladnimo’
Baarlamaanka ayaa sida oo kale loo xilsaaray in ay sameeyaan sharciyo qaabaynaya xidhiidhka ka dhexeeya dawladda dhexe iyo gobollada.

Xildhibaan Maxamed Cumar wuxuu fadilaya nidaamka federaalka, isaga oo intaas ku daray in uu nidaamku awood siinayo gobollada, siinayana matalaad dhinaca siyaasada ah una oggolaanaya in ay khayraadka wadaagaan. Dastuurka cusub ayaa damaana qaadaya in muwaadiniinta Soomaalidu ay si xor ah isaga gooshi karaan gobollada waddanka oo dhan, ayuu yidhi.
“Waxaa jira Soomaali badan oo ka shakisan tayada nidaamka federaalka ee waddanka, iyada oo qaar kalena ay ku andacoonayaan in si aan wanaagsanayn ay u saamaynayso midnimada waddanka,” ayuu yiri. “Waa muhiim in arrintaas la ogaado, laakiin, tani waa qaabka ugu haboon ee dawlad loo dhisi karo wakhtigan hadda la joogo si dib loogu hanto kalsoonidii qaranka Soomaaliya ee dhuntay.”
“Nidaamka federaalka ah ayaa xoojinaya midnimada, daganaanshaha iyo hodantinimada waddanka, una damaana qaadaya shacabka sinnaan iyo ka qayb gal siyaasadeed wakhtigan xasaasiga ah ee hadda la joogo oo ay Soomaalida dhibaato ka haysato in ay ka gudbaan kalsooni la’aanta ka jirta qabaailka qaarkood illaa iyo markii ay dhacday dawladdii dhexe ,” ayuu yidhi.
Imtixaan haysta dawladda cusub
Horaantii bishan, ayaa dawladda waxaa hortimid imtixaan la xidhiidha dawlad goboleedka Jubbalandmarkii Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu ku eedeeyay madaxda maxalliga ah in ay doonayaan in ay sameeyaan dawlad goboleed iyaga oo aan si habsami ah kaga qayb galinin dawladda federaalka ah.
“Arrintan dhinaca kaliya ah, ee lagu dhaqaaqay iyada oo aan dawladda federaalka ah lala tashan, ayaa ku xad gudbaysa dastuurka waxayna caqabad ku tahay nabad u socodka horumarka siyaasada,” ayuu yidhi. “Uma daneeyneyso maslaxadda dadka maxalliga ah ee aaga deggan iyo dawladda cusub ee Soomaaliya midna.”
Si kastaba ha ahaatee, hadalkii xaflada furitaanka ee shirka uu ka jeediyay, ayuu Sheekh Axmad Maxamed Islaam, oo madax u ah maamulka ku meel gaadhka ah ee Jubba Land, hoggaamiyana u ah kooxda Ras Kamboni, ka codsaday dawladda Soomaaliya in ay u soo dirto wakiilo shirka gobolka lagu dhisayo.
Hay’adda Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda (HIPS) ee Muqdisho xarunteedu tahay, oo soo saartay warbixin Maarso 18-keeda iyaga oo dib u fiirinaya 100-kii maalmood ee dawladda Soomaaliya ugu horreeyay, ayaa ku dooday in qaabka ay dawladdu u gashay arrinta Jubba Land ay ahayd mid aan faaiido keenin.

“Ugu horrayn, arrintu ma aha, sida hadda la sheegayo, arrin sahlan oo dhibaato xagga dastuurka ah — ee waa arrin wayn oo dhinaca siyaasadda ah oo u baahan xal siyaasadeed,” warbixinta ayaa sidaas sheegtay. “Tan labaad, guud ahaan hadallada dawladda ayaa ahaa kuwo aan xalka ka qayb qaadanin, marmarka qaarna ahaa, kuwo macno badan aan ku fadhiyin. Tani ma aha mid qaab u socdka dib u heshiisiinta wax ka taraysa, taas oo aan wali fari ka qodnayn.”
HIPS ayaa ku talisay in dawladdu ay samayso xal ku meel gaadh ah oo ah mid “labada dhinacba guul u ah” oo lala galayo Jubba Land dadka ay arintoodu ka go’do, iyo in muddo laba sano ah lagu sameeyo doorashooyin xor ah caddaaladna ah oo shacabku ku dooranayo guddoomiyayaal degmo, guddomiyayaal gobol iyo maamulayaal gobol.
Webka All-somali.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...