Wednesday 27 March 2013

Wararka Ciidamada Ethiopia oo Soomaaliya sii joogaya, Maxaa is-beddelay?



 Ciidamada Ethiopia oo Soomaaliya sii joogaya, Maxaa is-beddelay?
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah wafdiga ra’iisal wasaaraha ee ku sugan Kismaayo ayaa VOA, u sheegay in dowladdaha Soomaaliya iyo Ethiopia ku heshiiyeen in askarta xukuumadda Addis Ababa ee ku sugan Soomaaliya sii joogaan.
Wasiirka ma sheegin muddada ay sii joogi doonaan, laakin wuxuu daaha ka qaaday in ay socdaan qorshayaal ciidamada Soomaalida la doonayo in lagu wareejiyo meelaha ay joogaan ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan dowladda Ethiopia ay shaacisay in ay ciidankeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya, waxaana meelaha ay baneeyeen ka mid ahaa askarta Ethiopia degmada Xuddur ee xarunta gobalka Bakool.
Dowladda Ethiopia ilaa hadda si rasmi ah uma shaacin sababta ku kaliftay in ay askarteeda kala baxdo Soomaaliya, laakin dadka odorasa arrimaha siyaasadda gobalka, waxa ay lee yihiin Ethiopia waxa ay ku guul dareesatay in askarteeda ku sugan gudaha Somaaliya dhaqaale siiyaan beesha caalamka.
Waxaa kaloo jirra warar sheegaya in ciidamada Ethiopia in ay ka xumaadeen isbadalka lagu sameeyay maamulkii gobalka Baay iyo magaalada Baydhabo, iyo isbadal la rabay in lagu sameeyo gobalka Bakool.


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...