Saturday 16 March 2013

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo soo jeediyey inay Somaliland qaadato Faderaalka Soomaaliya



Hargeysa(RBC):- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa soo jeediyey inay habboon tahay in Somaliland ay qaadato nadaamka faderaalka ah ee Soomaaliya, maaddama oo caalamku diiday inuu aqbalo gooni-isu-taagga ay ku dhawaaqday 1991-kii, inay Soomaaliya kaga go’day.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ku taliyey inay isu-yimaaddaan Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Culimada iyo Madaxda dhaqanka Somaliland, isla markaana ay ka taliyaan xalka Somaliland halka uu ku jiro mustaqbalka, wax cadna lagu wada heshiiyo Soomaaliya, beesha caalamkuna ay goob-joog u ahaato waxa lagu heshiinayo.
Waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo arrintaa ka hadlayaa yiri;
“Waxaan soo jeedinayaa inaynu faderaalka qaadanno, waayo? Haddii waxaynu doonaynay ay socon waayeen oo caalmku innaga diiday I iinyo looma baahna, wax soconayana maaha. Markaa immika waxaan qabaa mar ayaa innoo hadhay, markaasina waa inay Somaliland aoonyahankeeda, siyaasigeeda, Culimadeeda iyo Madax-dhaqameedkeeda iyo cid kasta oo aqoon la bidayaa intay isu yimaaddaan ay ka taliyaan sidii loo samayn lahaa shuruudo adag oo lala hortago Soomaaliya oo ay beesha caalamkuna goob-joog ka ahaato oo ay teenna dhagaystaan, oo aynu caddaynu inaynu nahay laba dal oo markii hore isku biiray, haddana kala noqday.”
“Immikana u diyaar ah inay wax kala qortaan oo ay nidaam dunidu ka marag tahay oo cad ku heshiiyaan. Weliba waa in aan xilliga ay taasi dhacayso aynaan qaadan wax cid kale innoo qortay oo ay ka talisay ee waa inaynu teenna ku-meel-marnaa oo ay halkaa ka soo baxaan siyaasiyiin reer Somaliland ah oo wax iska celinaya oo dadkooda wax u goyn kara. Markay intaasi dhacdo ama faderaal aynu awoodda leenahay ayaa la isugu iman doonaan ama dawladdeenna aynu haysan. Laakiin, haddii waxeennii socon waayeen looma baahna inaynu iska fadhino oo aynu I-iinyo wax kastaba kaga jawaabno.”  Sidaa ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u warramay mid ka mid ah Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa caddadkiisii maanta oo Sabti ah soo baxay.
Waa markii ugu horreysay ee Suldaan Maxamed si cad u soo jeediyo inay Somaliland oo 18-kii May 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya oo ay ka mid ahayd qaadato nidaamka faderaalka ah, maaddaama oo ay beesha caalamku illaa waqtigan aanay siinnin aqoonsi buuxa oo la xidhiidha madax-bannaanida ay ku dooddo inay qaadatay Somaliland.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...