Wednesday 20 March 2013

Maxkamadda Hargaysa oo laba sano ku xukuntay Boqor Raabbi



Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta laba sano oo xarig ah ku xukuntay Boqor Raabbi Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah oday-dhaqameedka Somaliland.
Boqor Raabbi ayaa lagu eedeyay arrimo ka dhan ah madax bannaanida Somaliland.
Garsooraha maxkamadda Hargaysa ayaa sheegay inuu Boqor Raabbi ku dhaqaaqay arrimo badan oo ka dhan ah jiritaanka iyo madax bannaaniada Somaliland.
Waxa la sheegay inuu Boqorka dhowaan tagay magaalada Muqdisho, isla markaana uu kaga qaybgalay shir uusan la socon maamulka Somaliland.
Somaliland waxay sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, kaddib dhicitaankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, sanadkii 1991-kii.


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...