Monday 25 March 2013

Madaxweynaha J.F.Soomaaliya oo sheegay in dowladu hirgelindoonto hey’ado qaabilsan ilaalinta xuquuqda Aadanaha



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalku ay dhowaan hirgelin doonto hay’addo gaar u ah ilaalinta xuquuqda aadanaha si ay Soomaaliya uga qeyb noqoto dalalka ku horeeya dhowrista xuquuqul insaanka
 Sanado badan ayaa Soomaaliya lagu tilmaamayay in ay ka jirto xaalad aadannimo mida ugu liidatay, taasi oo aysan meelaha qaar cidna dafiri karin, waayo Soomaaliya waxa ay soo martay xili adag sida abaaro iyo marxalado dagaal oo ay ka dhasheen arrimo Bini’aadannimo, adduunkuna mararka qaar aad ayeey ugu adkeyd in ficiladaasi caawimaad uu ka geysto.
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la yagleelay dowladda uu madaxda ka yahay ku hadal qabsada in isbadel ay ku howlgalayaan, iyadoo ay soo baxayaan muuqaallo guul ku dhisan, wuxuuna  madaxweynuhu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso dhismaha hey’ado Dastuuri ah oo ka shaqeeya arrimaha xaquuqul Insaanka.
 Si Soomaaliya ay u gaarto waddo  uu caalamka ku xushmeeyo heerka ilaalinta xuquuquda aadanaha, taasi oo la marsiinayo waddo hufan oo sharciga waafaqsan.
 Hadda aad ayeey u hooseysaa xaalada aadannimo oo dalka ka jirta marka loo eego sannadihii uu dalka soo maray,  iyadoo gobollada dalka qaar ay weli ku dambeeyaan dhibaatooyinka ka abuurmay dagaallada, abaaraha iyo xaalad nololeed.
 waana midda keentay in Soomaaliya ay safka hore ka gasho wadamada lagu calaameeyey in ay ka taagan yihiin daryeel la’aanta xuquuqda aadanaha.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...