Tuesday 19 March 2013

INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN: Meydka Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame oo Qoorta Laga Gooyey oo Laga Helay Degmada Xudur



Xudur (RBC) Allah ha u naxariistee Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa meydkiisa maanta laga helay gudaha degmada Xudur isagoo qoorta laga gooyey.
Sheekh C/raxmaan Warsame ayaa la sheegay in habeenkii xalay gurigiisa oo ku yaalla degmada Xudur isagoo ku sugan ay kaxaysteen rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.  Waxaana saaka meel u dhow gurigiisa laga heley meydkiisa oo qoorta laga gooyey oo halkaasi looga tagay, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah xubnaha qoyska Sheekha oo ku sugan magaalada Baydhabo.
Ma jirto cid sheegatay dilka Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame, kooxda Al Shabaabna kama hadlin dilkan iyo sababta keentay maadaama ay iyaga kaxaysteen wadaadka magaaladana ay iyaga ka taliyaan.
Dilkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee degmada Xudur ka dhaca ee loo geysto qof rayid ah mudo labo beri gudahood oo ay Al Shabaab ka talineyso degmada Xudur oo ay qabsadeen maalintii Axadii ka dib markii ay magaaladaasi isaga bexeen ciidamada Ethiopianka iyo kuwa dawlada ee halkaasi joogay mudadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay.
Waa kuma Sheekh C/raxmaan Warsame?
Allah ha u naxariistee Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame wuxuu ku dhashay degmada Xudur isagoo waxbarashadiisa diinta Islaamka ku soo qaatay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool.
Sheekh C/raxmaan wuxuu ku jiray culimada dalka joogtay ee sii waday fidinta diinta Islaamka, wuxuuna degmada Xudur ka dhisay masjid uu ku akhrin jiray Tafsiirka Quraanka Kariimka halkaasoo ay ka aflexeen dhalinyaro badan oo uu isagu waxbaray.
Sheekh C/raxmaan wuxuu mudo 40 sano ahaa Imaanka Masjidka weyn ee degmada Xudur.  Sheekha wuxuu kaloo si waafaqsan Shareecada dadka deegaanka ugu kala saari jiray su’aalaha ay u keensadaan gaar ahaan dhaxalka, garta, magta iyo arrimaha qoyska oo uu u kala xukumi jiray.
Dilkiisa waxaa si weyn uga naxay dadka deegaanka oo ka cabsi qaba dilalka noocan oo kale ee deegaanka ka dhacaya.

RBC Radio

1 comment:

Anonymous said...

The equipment of a auto shop unswervingly depends upon the size and lineage of effect it has to do. There are rare sizes of machines of the changeless courteous on machining out-of-the-way sizes of castings and forgings, also there are weird kinds of machines through despite the perks of doing the unchanged circumspect of work in differing grades of refinement. An marketing cogitation is to arrange as certainly any machines as realizable to do as grievous a sweep of stir up as realizable, and this is a- practised not later than choosing high-grade machines which are not but adapted to species of trade,
http://verrano.swinoujscie.pl/biznes-w-duzych-firmach/4874/
http://www.gutjan.pl/firmy/strona,internetowa,s,3005/
http://elmlyei.org.pl/?p=6853
http://www.nikonyfotografii.pl/tag/media
http://www.2uh.pl/tag/ogloszenia-praca-za-granica/

http://www.scofff.eu/biznes_i_ekonomia/wozki_magazynowe,i,2456.htm
http://www.dopra.pl/firmy/strona,firmowa,s,3099/
http://torper.tarnobrzeg.pl/firma/4367/
http://www.katalog-gigaseo.pl/produkcja,przemyslowa/fer,marek,bienias,stoly,warsztatowe,s,1054/
http://lasocu.augustow.pl/interesy/3944/

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...