Wednesday 20 March 2013

Dowlada Yemen oo Soomaaliya ka Codsatay In Maraakiibta Soomaalida ee mudada Yaalay Dekedda Cadan Goob kale loo Wareejiyo




Cadan(RBC Radio) Dowlada wadanka Yemen ayaa codsatay in maraakiib ay leedahay dowlada Soomaaliya oo muddo dhowr iyo toban sano ah ku xirnaa dekeda magaalada Cadan ee wadanka yemen xiligan laga furo dekedaas kadib markii ay ka cabsatay dowlada Yemen in maraakiitaasi ay dhibaateeyaan dekeda.
Qunsulka Soomaaliya u fadhiya magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan Axmed-Suudaani ayaa sheegay in dowlada Yemen ay usoo gudbisay dowlada Soomaaliya codsi ay ku dooneyso in maraakiibta Soomaalida ee xiligan ku xiran dekeda magaalada Cadan loo helo goob kale oo la geeyo si dekeda Cadan aysan u saamayn dhibaatada ka dhalan karta maraakiibtan oo daxaleystay.
Qulsunlka Soomaaliya ee dalka Yemen Axmed Suudaani ayaa ka dayriyey marxalada ay ku sugan yihiin maraakiibta ay lahayd dowladii Soomaaliya oo ay tiradoodu gaareyso Markab kuwaas oo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee dalka ku sugnaa gudaha wadanka Yemen wuxuuna sheegay in maraakiibta uu soo gaaray burbur aad u fara badan maadaama ay in ka badan 10 sano ay hawlgab ahaayeen oo aysan shaqaynin.
Axmed Suudaani Qunsulka wadanka Yemen ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in sida kaliya ee maraakiibtan lagu badbaadin karo ay tahay in la keeno Injineero iyo qubaro u kuurgala baaxada dhibaatada haysa maraakiibta iyon sida wax looga qaban karo ,wuxuuna ku taliyey in la keeno qubaro ka socota shirkadii Talyaaniga ahayd ee markii hore laga soo Iibiyey si ay u qiimeeyaan dhibaatada Maraakiibta kadibne ay baaritaan ugu sameeyaan sidii wax looga qaban lahaa

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...