Sunday 24 March 2013

DEG DEG:Kooxa Hubeysan oo Daqiiqado ka hor Muqdisho ku Toogtay Gabadh ka mid ahayd Wariyaasha Madaxa Bannaan



Muqdisho (RBC Radio) Kooxo Hubeysan ayaa caawa xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho ku toogtay gabadh ka mid wariyaasha madaxa bannaan ee ku sugan magaalada caasimada ee Muqdisho.
Gabadha la dilay ayaa la sheegay iney dhawaan soo gaartay magaalada Muqdoisho,waxaana la tilmaamay iney ka timi dhanka gobolada dhexee dalka.
Gabadha la toogtay ayaa magaceeda lagu sheegay Raxmo Cabdi dilka oo dhacay daqiiqado ka hor wali nooma suurta galin inaan helno magaca warbaahinta ay ka hawlgali jirtay,wararka ayaa sheegay iney ka shaqayn jirtay warbaahin ku taala gobolka Galgaduud.
Muniira Ibraahim Cabdalla oo ka tirsan idaacada Danan ee magaalada Muqdisho oo ay saaxiib ahaayeen gabadha la dilay lana socotay xiliga ay rasaasta la dhacayeen ayaa warbaahinta u sheegtay iney ka warheshay Raxmo oo dhulka ku dhacday kadib markii ay rasaas badan ku fureen kooxaha dilka u geystay waxayna sheegtay ineysan garaneen sababta loo dilay iyo cida ka danbeysay falkaasi dilka ah.
Wixii warar ah ee kusoo kordhay dilka loo geystay Saxafiyada kala soco wararkeena danbe hadii Alle idmo.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...