Sunday 24 February 2013

Rag Jalaaliib Xiran Oo Kismayo Weeraraya (Sir La Helay)(Raggan Ayaa Waxaa Hogaaminaya Bare-Hiiraale Iyo Indhacade Oo Dawlada Ay Maal-Gelisay )


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Sunday, 24 February 2013 15:00

Hotel ku yaal Magaaladda Muqdisho ayaa lagu arkay Gaari Mini-bas ah oo  Magaaladda Kismaayo ku wajahan oo ay raacayaan Rag ku lebisan Jalaabiibta dumarka oo loogu tala-galay sida aan xogta ku heleyno inay qal-qal geliyaan shirka la filayo Magaaladda Kismaayo inuu uga furmo Dadka Deegaamadda Jubooyinka iyo Gedo oo la filayo inay dhistaan Maamul goboleed la isku raacay oo la magac-baxay Jubbaland-State.

Raggan la qiyaasayo inay ka warqabaan Sirdoonka Dawladda ee NSS-ta loo yaqaan ayaa badankood ka kooban Ururkii burburay ee Dooxada-Jubba,Soomaalida qaarkeedna u yaqaaniin (Walaalaha Galgaduud) oo weli ku riyoonaya in maalin ka mid ah maalmaha in Kismaayo la arko Bare Hiiraale iyo Indhacadde oo gacmaha isheysta kuna mideysan mar labaad  inay boobaan hantidda Dadweynaha Kismaayo.

Qorshahii shalay loogu magac-daray (Plan-A)ee Saldhiga Kismaayo ay ku weerareen Ciidamado ka kooban 20-wiil ee uu hogaaminayey Marxuum Laba-Garre oo ka tirsanaa Kooxdan Walaalaha Galgaduud ayaa fashilmay kadib markii ciidamadii Saldhiga weeraray laga dhigay wax la dilay iyo wax la qabtay,iyo qaar lagu hareeraysan-yihiin oo galay guri ku-yaal dhabarka dambe ee Isbitaalka-guud ee Magaaladda Kismaayo.

Qorshahan cusub ee hadda Muqdisho laga soo abaabulay ee loogu magac-daray (Plan-B)ayaa loogu tala-galay Raggan Jalaabiibta loo xiray ee Kismaayo ku wajahan inay qaraxyo iyo weerar gaadmo ku qaadaan Goobaha logu tala-galay in shirka maamul u sameynta ee Kismaayo lagu qabto,si markaas Caalamka iyo Dadka deegaanka Jubooyinka iyo Gedo looga dhaa-dhiciyo in amaanka Kismaayo la isku haleyn-karin,laguna qasbo inay kasoo qeyb-galaan shirka 26-ka bishan ee Talaaladda ku beegan ay ka soo qeyb-galaan,shirkan oo ay garwadeen ka yihiin Nabadoon Axmed Diiriye iyo Nabadoon Xaad oo la filayo in lagu dhiso Maamul Dawladda hoos-yimaada oo Jubbaland loogu magac-daray.

Dhinaca kale Shacabkamedia oo la xiriiray Muuse-Gaab oo ka mid ah Saraakiisha gacanta ku haya amniga Magaaladda Kismaayo ayaa noo sheegay inay ka warhayaan Raggan Jalaaliibta loo xiray ee Xeebaha Kismaayo laga qabsi qabo inay Doon uga soo dagaan,wuxuuna wacad ku maray inay gacan bir ah ku qaban-doonaan Kooxdan ay hogaaminayaan Bare-Hiiraale iyo indhacade ee Dawladda Soomaaliya ku maalgelisay in qalalaaso laga abuuro Magaaladda Kismaayo si markaas loo baajiyo maamulkii ay ku hanweynaayeen Dadweynaha Jubooyinka iyo Gedo,isagoo ku adkeystay inay dhisayaan Maamulka Jubbaland-State.

Wixii ku soo kordho Shirqoolkan laga soo maleegay Madaxtooyadda Muqdisho ee Bare-Hiiraale iyo indhacade ay horboodayaan kala soco Shacabkamedia

Runta Kama-Xıshoono

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...