Friday 22 February 2013

Olale ka dhan ah Qaadista cuno qabataynta hubka Soomaaliya oo Soomaali-Mareykan ay bilaabeen [Petition]



Haddaad Tahay Somali American, Walaal wax ka saxiix Codsiga (Petition-ka) ku socda dowladda Maraykanka si aan cuno qabataynta hubka Soomaaliya looga qaadin.
DHammaan dadka Soomaaliyeed ee haystay dhalashada dalka Maraykanka ah ee nabadda jecel kana naxay dhibaatada soo gaartay dalkooda hooyo, isla markaasna ku baraarugsan wax-yeelada iyo khatartaha hadda ka dhex jira gudaha Soomaaliya waxaa laga codsanayaa inay taageeraan codsi loo jeedinayo dowladdeena Maraykanka oo ujeeddadiisu tahay inaan cunoqabataynta hubka Soomaaliya laga qaadin sababaha soo socda aawgood:
1-Waa marka horee hub kasta oo gacanta dowladda galaa shaki la’aan waxaa faa’iido ku qaba ururka argagixisada ah ee Al-shabaab oo si toos ah iyo si dadban in badan oo hubkaas ka mid ah ay gacantiisa gelaysaa, waana tijaabo horay loo soo arkay.
2-Ma jirto baahi weyn oo hadda taagan oo dowladda Federal-ka Soomaaliya ku qasbaysa in hub la siiyo waayo wadanka amnigiisa waxaa gacanta ku haya dowlado shisheeye ayagaana mudan inay ammaanka dalka sugaan inta Soomaalidu kala shaki baxayso oo ay ka heshiinayso, waxaana ka war haynaa in meelo badan oo dalka Soomaaliya ah uu ka bilowday hub urursi intii uu madax-weynaha dowladda federal-ka Xasan SHiikh Max’uud uu bilaabay inuu si ku celcelis ah u codsado in cuna qabataynta hubka laga qaado.
3-Ciidammada Muqdisho jooga oo hubaal ay tahay in hubka uu gacantooda geliyo iyaga oo keliya oo ah hal beel oo degta magaaladaas isla markaasna ah beesha uu ka soo jeedo madax-weynaha dowladda federal-ka Soomaaliya, taasina waxay soo dedejinaysaa xiisad cusub oo horseedi karta dagaal aan lagu talo gelin iyo in hubkaas loo adeegsado dad shacab ah oo aan wax dambi gelin, waxaana eeddeeda qaadi doona taariikhda Soomaaliyeedna ay xusi doontaa cid kasta oo gacan ka geysata in cuna qabataynta hubka Soomaaliya laga qaado.
Sidaa aawadeed:
-Annago aragna ama dareemayna khatarahaas iyo iyo kuwo kale oo badan, aaminsanna in xil innaga saaranyahay dadkeena ay wali ka muuqdaan dhibaatooyinkii ka soo gaaray dagaalladii soo bilowday 1991kii.
-Annagoo u jeedna hadallada Madax-weynaha Soomaaliya Xasan SH. Max’ud in dirba lagu kala irdhoobay oo dadkii ay ku sii kala fogaanayaan, shaki badanna uu dadkii ka dhex abuuray.
-Annagoo dareemayna in madax-weyne Xasan SH. Max’ud uu ka talaabsaday dhammaan wixii lagu soo tiiro iyo tacab beelay isagoo gurigiisa jiifa, isla markaasna si bareer ah u hareer maray wixii lagu heshiiyay oo madaxiisa wuxuu ka maago keliya uu ku socdo, isla markaasna uusan aaminsanayn qaynuunka iyo cahdiga ummaddu ku heshiisay inuu u hogaansamo, ayaa waxaan soo jeedinaynaa codkeenana dowladdena Maraykanka ku gaarsiinaynaa inaan cuna qabataynta hubka Soomaaliya laga qaadan hadda iyo waayahaanba.
Fadlan haddii aad tahay Somali-American nala qaado fikirkaas si aan u badbaadino ummadeena hambbada ka hartay oo saxii codsiga (Petition-ka) aan uga soo hor jeedno in cuna qabataynta hubka Soomaaliya laga qaado, waxaadna gashaa link-ga hoos ku yaal, oo walaal saxiix codsigaas (Petition-ka):
Mahadsanid,
“Xil-kasnimadu waa inaad dareento dhibaatada intaysan dhicin”
nagala soo xiriir e-mail-kan:
xaydarcadde@rocketmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...