Friday 22 February 2013

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Amniga Caasimada Muqdisho Uu Dhamystirmay



Muqdisho(RBC Radio)Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu dhamystirmay oo uu si buuxda u sugan yahay xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle oo la hadlayey kumanaan ruux oo xalay isu soo bax ku dhigayey wada weyn ee wadnaha oo laga hirgaliyey Layrarka ku shaqeeya Cadceeda Qorraxda ayaa sheegay in amniga magaaladu uu yahay mid dhameystiran.
C/kaafi ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’antahay sugida amniga magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya isla markaane ay ku dadaalayaan soo celinta bilicdii ay lahayd Muqdisho wuxuuna tilmaamay iney guul weyn tahay in shacabka magaalada Muqdisho ay habeen isu soo baxaan isla markaane ay muujiyaan dareenkooda ku aaddan isbedelka ka dhacay Caasimada.
Kumanaan daweyne ah oo ka kala yimi xaafadaha degmooyinka Wardhiigley iyo H/wadaag ayaa damaashaad ku maray wadada weyn ee wadnaha kadib markii uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgaliyey Nalalka ku shaqeeya cadceeda kuwaas oo si siman loogu teedshay wadadaas min Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan ilaa Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan.
Maamulka gobolka ayaa magaalada Muqdisho ka wada mashaariic lagu hor marinayo adeehyada bulshada waxaana dhanka kale laga dareemayaa caasimada isbedelka dhabta ah ee ka dhacay mudooyinka  iyadoona ay maalin walib soo gaarayaan gudaha Muqdisho qurba joog Soomaaliyeed oo dibadaha kasoo noqday markii ay arkeen isbedelka ka dhacay Caasimada Muqdisho.


RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...