Friday 22 February 2013

Dilkii Sheekh C/Qadir Gacamey AUN Maxaa Looga Dan Lahaa?



Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Febraayo 23 2123
Warku maqalkiisu wuu murugo iyo mashaqo waynaa. Wuuna Indo xumo iyo calool xumo badnaa. Qof walba oo Muslim ah naxdin iyo uur ku taalo ayuu ku reebay. Waligay ma sawiran sifo la mid ah. Una malayn maayo qalbi qof Muslima in uu ku soo dhici karo abid. Kuwii soo maleegay musiibo ayaa ku dhacday. Waana hubaal halaagooda in la arkayo. Alle waxaan ka baryaynaa adduunyada in uu nugu tuso aakhiro intii aan la gaarin aaya xumadooda. Yeey dileen Allaha dilee! Waa Sheekh Caalim ah. Wuxuu ahaa da’. Wuxuu ku jiray masjid gudihiisa. Wuxuu u taagnaa salaadii Rabbigiisa. Intaasba kuma aysan qadarine ee shaydaan baa u qurxiyay ficilkooda. Tollow! maxay u dan lahaayeen kuwii dilay, ujeedo unbaa ka dambaysay dilka Sheekha iyo culumadii kale ee ka horaysaye’. Waxaan is leeyahay qodobada soo socda ayeey kooxdii dishay Sheekha yoolkoodu ahaa.
1.In qof xaqa sheego la waayo. Sheekh C/Qadir AUN sida iska cad waxaa loo dilay hadaladiisii cadcadaa iyo go’aamadiisii geesinimada lahaa. Nin aan ka gaban xaqa oo cadeeya ayuu ahaa. Waana calaamada culumada lugu yaqaano. Xaqa dad badan baa isku daya in ay qariyaan si ay been ugu qaraabtaan. Xaqa dad baa isku daya in ay diidaan una arka danahooda in uu lid ku yahay. Nabi Mohamed (SCW) Xaqa markii uu la yimid, Quraysh oo dhan bay ku kala tageen, waliba qaarkood waxay damceen in ay dilaan oo adduunyada ay dhaafsiiyaan. Sidaas daraadeed, wax cusub ma aha in dadka loo dilo xaqa oo la sheego.Sii Akhri

1 comment:

kenloen said...

oh I love this! Thank you so much for visiting my blog at.I think my readers will really hysterectomy Australia appriciate all the hard work that when into this post.

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...