Friday 22 February 2013

DAAWO SAWIRRO: Muuqaalka Magaalada Beledweyne Iyo Isbedelka Amni Ee Ka Hirgalay Magaaladaasi oo Sababay Ganacsi Baaxad Leh



BELEDWEYNE- Diyaarad Qaramada Midoobay leedahay oo fadhida Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo hadda shaqeynaya mudo ku dhow saddex bilood ka dib markii ay dayactireen ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada./ Sawirka Raxanreeb, 18 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Dhalinyaro dhex lugeyneysa Faras magaaaha Beledweyne, xarinta gobolka Hiiraan, waana goor casar liiqii ah./ Sawirka Raxanreeb, 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Dad fadhiya kluna sheekeysanaya biibitooyinka magaalada Beledweybe bartankeeda ku yaalla xilli galabnimo ah. / Sawirka Raxanreeb, 18 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Isbedelka amni darteed ayaa dad badan oo reer Beledweyne ah waxay casarkii isugu yimaadaan biibitooyinka oo shaah iyo sheekaba loo soo doonto. / Sawirka Raxanreeb, 18 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Mid ka mid ah kaalimada shidaalka ee Beledweyne. Sare u kac ganacsiga magaalada iyo daaraha dhaadheer ee la dhisay ayaad ku arkeysaa meel walba ee Beledweyne ka mid ah. Sawirka Raxanreeb, 18 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Dumar caano ku iibinaya bartamaha wadada faras magaalaha Beledweyne./ Sawirka Raxanreeb, 18 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE-  Carruur arday ah oo ka soo laabtay dugsi Quraan oo ku sii jeeda guryahooda, waana bartamaha suuqa Beledweyne. /Sawirka Raxanreeb, 18 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE-  Haweeney ku hadleysa telefoonkeeda gacanta oo dhex socota suuqa magaalada Beledweyne./ Sawirka Raxanreeb, 18 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Gawaarida dadweynaha raacaan ee loo yaqaano “BL’ oo ku sii badanaya Beledweyne.Sawirka Raxanreeb, 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE-Ganacsiga yar yar sida Qaraha lagu iibiyo gaari gacanada oo caan ku ah Beledweyne, gaar ahaan xilliyada khudaarta ay ka timaado dhul beereedka gobollada Hiiraan iyo labada Shabeelle. Sawirka Raxanreeb, 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Kooxdhalinyaro ah ayaa daawanaya ciyaar kubbada cagta oo dhalinyaro yar yar ku ciyaarayaan garoon yar oo ku yaalla xaafada “Nuur Xawaad” ee Beledweyne. Sawirka Raxanreeb, 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE-Wadada laamiga ee gasha magaalada Beledweyne ee ka timaada dhanka buuraha Janta Kundishe. Sawirka Raxanreeb, 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Xarunta Jaamacadda Hiiraan University oo ardayda jaamacadaha iyo macalimiinta ay kulan aqoon isweydaarsi kuyeesheen ayna ka qeybgaleen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne. Sawirka Raxanreeb, 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Xarunta Jaamacadda Hiiraan University oo ardayda jaamacadaha iyo macalimiinta ay kulan aqoon isweydaarsi ku yeesheen. Beledweyne waxay leedahay illaa afar jaamacadood oo ay wax ku bartaan arday boqollaal ah./ Sawirka Raxanreeb, 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Wabiga Shabeelle oo dhex mara magaalada ayaa Beledweyne u kala qeybiyey labo deegaan oo la kala yiraahdo “Bari iyo Qorraxsin”./ Sawirka 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE-  Weli waxaa muuqda saameynta fataahadii bishii Sebtembar 2012 ka dhacday magaalada taasoo kumanaan qoys ka barakiciyey magaalada. Wabiga Shabeelle oo dhex mara magaalada ayaa Beledweyne u kala qeybiyey labo deegaan oo la kala yiraahdo “Bari iyo Qorraxsin”./ Sawirka 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Halkani waa buundada weyn ee loo yaqaano “Buundo Liiqliiqato” oo marta bartamaha magaalada, waana marinka kaliya ee ay isaga tallaabaadan dadka ku kala nool labada qeybood ee magaalada Beledweyne ee kala ah “Bariga iyo Qorraxsin”. / Sawirka 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Carruur ku nool xero ay degan yihiin dadkii ka soo barakacay fataahadiui Beledweyne oo ku nool deegaanka Ceel Jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne. / Sawirka 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE-  Qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay fataahadii Beledweyne ee bishii Sebtembar 2012 oo weli ku nool duleedka magaalada, halkaasoo wax daryeel ah iyo gurmad aaney ku helin. / Sawirka 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Suuqa xoolaha ee Beledweyne waa suuqa ugu weyn  bartamaha dalka.  Waxaa suuqan u soo ganacsi taga dad ka kala yimaada gobollada Waqooyiga, Koonfurta iyo xitaa deegaano ka mid ah Ethiopia. / Sawirka 19 Febraayo 2013.
BELEDWEYNE- Suuqa xoolaha ee Beledweyne waa suuqa ugu weyn  bartamaha dalka.  Waxaa suuqan u soo ganacsi taga dad ka kala yimaada gobollada Waqooyiga, Koonfurta iyo xitaa deegaano ka mid ah Ethiopia. / Sawirka 19 Febraayo 2013.
_______________________________________________________________________
*Sawirqaade: Cabdalle Muumin

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...