Thursday 21 February 2013

7-Qof Oo Masjid Gudihiis Lagu Dilay Libooye Oo Ku Taal Xadka Soomaaliya Iyo Kenya U Dhaxeeya


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Thursday, 21 February 2013 18:33

Wararka deg daga ah ee naga soo gaadhaya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 7 ruux ay geeriyoodeen kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen dad kujiray Masjid kuyaala tuulada Maleele ee degmada Libooye ee ku taal xadka Kenya iyo Somalia.


Dad goob joogayaal ah ayaa Booliska u sheegay in 8 dableey ah oo ku hubeysan qoriga AK47 ay salaadii subax ee saaka gudaha ugaleen masjid kuyaala tuulada Maleele oo qiyaastii 25 km ujirta xeryaha qaxootiga ee Dhaadhaab.Dableeydan ayaa rasaas ooda kaga qaaday dadkii ku cibaadeysanayay masjidka iyagoo halkaa ku dilay 5 rag ah kadibna banaanka masjidka kudilay 2 dumar ah.


Booliska ayaa xaqiijiyay dhimashada todobadan ruux.Boolisku wuxuu sheegay in wali aan la xaqiijin karin ujeedada weerarakan inuu yahay mid la xidhiidha fal argagixiso


Dableeydii weerarka geysatay ayaa sidoo kale guryo ka ag dhowaa masjidka gubay ka hor intii aysan goobta ka baxsanin.


Gudoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macalin ayaa xaqiijiyay weerarka ka dhacay deegaanka Libooye isagoo sheegay in ciidan loo diray goobta dhibku ka dhacay.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...