Thursday 24 January 2013

Wasiir Xilkiisii La Inqilaabay Loona Diiday Inuu Ka Qeyb-Galo Shirka Davos Ee Dhaqaalaha Looga Hadlayo


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Thursday, 24 January 2013 13:32

Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo horey looga qaaday xilkii İskaashiga iyo Caaalamiga ayaa maantana ogaaday in jagada uu hayo ee Wasaaradda Maaliyadda loogu daray Wasııro-Dawlaha Madaxtooyadda Faarax C/qaadir (Sakiinta-Cusub)oo Madaxweyne Xasan Culusoow u xilsaartay inuu ka qeyb-galo shirka dhaqaalaha Caalamka looga hadlayo ee lagu qabanayo Magaaladda Davos ee Dalka Swiszerland.

Wasiirka ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Xasan Culusoow,wuxuuna uga digay in shirka dhaqaalaha ee Davos hadii uusan ka qeybgalaynin Madaxweynaha ama Reysalwasaaraha ay tahay inuu isaga shirkaas ka qayb-galo,maadaama uu yahay Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya,halka Wasiirka shirkan Madaxweynaha u xilsaartay inuu uga qeyb-galo ay shaqadiisa tahay Wasiiro-Dawlada Madaxtooyadda,loona baahan-yahay in la ilaaliyo Paratakoolka Dawladnimadda.

Lama yaqaan Madaxweynaha inuu qaadanayo talada Wasiirka Maaliyadda uu soo jeediyay,inkastoo durba maanta uu soo gaaray magaaladda Davos Wasııru Dawlaha Madaxtooyadda Faarax (Sakiint-Cusub)oo isagu ah gacanta midig ee Madaxweyanaha,waxaana la qiyaasaa xitaa inuu ka awood badan yahay ninka jileeca iyo hurdo-badnida u dhashay ee Reysalwasaare Saacid oo isagu barkinta dheereystay la iskana maamusho Xafiiskiisa,inkastoom awalba ninkan ay soo heleen Ururada Damjadiid iyo Hawıye Action Group oo markii horaba ninkan ku soo xushay inuu yahay shaqsi ay iska maamulan karaan.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...