Thursday 24 January 2013

Mas'uuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo la Xirey

Mas'uuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Muuse Xeyd ayaa ku xiran Xarunta CID-da, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha loo xiray.

Agaasimaha oo lagu magacaabo Muuse Xeyd ayaa waxaa la xiran Madaxii Imtixaanaadka Wasaarada Waxbarashada iyo mas'uul kale oo ka tirsan wasaarada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrimaha loo xiray ay ka mid tahay musuq maasuq dhinaca deeqaha waxbarasho ee ay heshay dowladda Soomaaliya.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa jiray guux la xiriiray dhinaca musuq maasuqa, iyadoo durba wasaaradaha qaar uu soo wajahay cabsi ku aadan baaritaano la xiriira la dagaalanka musuq maasuqa.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay xakameyso musuqa ka dhexe jira hey'adaha dowladda, iyadoo sanadkii hore Hey'ad caalami ah ay diiwaan gelisay in Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka uu hareeyay musuq maasuqa.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu kula kulmay Garoonka diyaaradaha wafdi ka socday deeq bixiyeyaasha, iyadoo lagu heshiiyay in la sameeyo hey'ad la socota deeqaha la siiyo Soomaaliya.




Hoyga wararka Somaliyeed 
www.jowhar.com 
jowharnews@gmail.com 
jowharcom@hotmail.com 
Master on January 24 2013

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...