Thursday 20 December 2012

Prof Axmed Ismaaciil Samatar Muxuu Ku Soo Arkay Muqdisho, Muxuuse Ka Yiri Musuqmaasuqa Baarlamaanka Naafeeyay? (Dhageyso Hadal Yaab Leh)


Minneapolis (RBC) Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ahna aqoonhayahan ku nool dalka Mareykanka ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay wadanka Mareykanka wuxuuna kulan uu kala qeybgalay bulshada Soomaalida ee ku nool Minnesota uu kaga xogwaramay waxyaabihii uu ku soo arkay magaalada Muqdisho mudadii lixda bilood ee uu ku soo qaatay.
Kulankan oo ahaa xog iswareysi ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ay labadaba ku wada jiraan  baarlamaanka Soomaaliya, waxayna labada mudane dadka reer Minnesota ee Soomaalida ah ka siiyeen xogwaran ku saabsan waxyaabihii ay dalka ku soo arkeen ee dhinacyada siyaasada, amaanka iyo horumarka jira.
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa isagu ka sheekeeyay waxyaabo niyadjab iyo rajo xumo geliyey dadkii dhageysanayey, wuxuuna si faahfaahsan oo qotodheer uga sheekeeyay xaaladaha siyaasadda, dhaqanka, musuqmaasuqa, qabyaalada, shaqo abuurka iyo hanka Soomaalida ku nool gudaha dalka.
Dhibaatada ka jirta nolosha aadanaha
Dr. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ugu horeyn ka sheekeeyay dhibaatooyin waaweyn ee nololeed iyo dhaqaale ee ku habsaday bulshada Soomaalida kuwaasoo ku qasbay boqollaal kun oo ka mid ah inay magan iyo qoxootinimaba u raadsadaan wadamada deriska la ah Soomaaliya, wuxuuna tusaale u soo qaatay in illaa 650,000 Soomaali ah ay qoxooti ku yihiin Dhadhaab, haddana nasiib darro aysan jirin cid hadal heysa.
“Cid madax ah oo Soomaali ah oo u tagtay 20 sano may jirto.” ayuu yiri.
Axmed wuxuu kaloo soo qaatay in 60% dadka ku nool magaalada Muqdisho ay yihiin dad barakacayaal taasoo ka dhigeysa caasimadii Soomaaliya “magaalo hoy u ah qoxooti”, halka 70% dhalinyrada dalka joogta oo ay ku jiraan kuwa Jaamacadaha ka soo baxaya ay yihiin shaqo la’aan.
“Waxaan maray meel kasta oo magaalada Muqdisho, waa caasimadii waan jeclahay laakiin magaaladu waa magaalo Xashiish [qashin] noqotay gebigeedba.” ayuu yiri Axmed Ismaaciil oo ka sheekeynayay waxyaabihii uu ku soo arkay caasimada Soomaaliya.
Wuxuu kaloo walaac ka muujiyey tirada dadka gaar ahaan dhalinyarada oo aan heysan nolol ayna keeni karto in dembiyo ay geystaan ama ay badaha caalamka ku dhintaan iyagoo nolol raadis ah.
Wuxuu cadeeysy in marar badan rag ay wada sheekeysteen intii uu xilka madaxtinimada u tartamayey ay u muujiyeen in isaga [Axmed Samatar] uu yahay nin ka soo jeeda waqooyiga Soomaaliya sidaasi awgeedna aanu haweysan xilka madaxtinimada dalka, arintaasoo Axmed Samatar uu sheegay inuu u heystay in qabyaaladu ay mar hore ka dhamaatay Soomaalida maadaama dhibaatadeeda ay soo arkeen.
Baarlamaanku waa ii dhiib!!
Arrinta ugu daran uguna murugada badan ayaa ahayd markii uu xildhibaan Samatar soo qaaday heerka musuqmaasuqa uu ka gaaray baarlamaanka iyo xildhibaanada wax dooranaya kuwaasoo uu sheegay in dhamaantood gacanta ka soo horeyso oo aysan qofna ku qiimeynin kartidiisa iyo dareenkiisa wadaniyadda.
“Anugu waxaan u soo joogay baarlamaanka Soomaaliyeed doorashadu markay dhacaysay oo aan indhahayaga ku aragnay lacagta oo la isweydaarsanayo.” ayuu yiri.
“Qof intuu ii yimid i yiraahda war Axmed Samataroow aan ka wada gadalno qarankii Soomaalida way yar tahay,.. dadka noo imaanayey ee baarlamaanka ku jira waxay ahayd DEE NOO DHIIB, ama xaafada anugu aan ka imi ka noqoto amba xaafada Kismaayo ha noqoto iyo inta u dhexeysa NOO DHIIB, KEEN.” ayuu yiri xildhibaan Samatar oo dadkii dhageysanayey ka qosliyey.
Wuxuu sheegay inay caadi ahayd kala iibsiga codadka, lacagta wax lagu kala iibsanayeyna ay ahayd tii qaranka oo la boobay iyo mid waddan shisheeye laga keenay oo loo adeegsaday in kursi lagu gaaro.
Bandow xagga Dhaqanka
“Lix bilood baan joogay meel lagu heesayo maan soo arag, lix bilood baan joogay meel lagu buraanburayo maan arag, lix bilood baan joogaye meel lagu gabyayo maan arag,” ayuu yiri Prof Axmed Samatar oo markale dhaliilay dadka inay dhinac mareen dhaqankoodii qadiimka ahaa ee uu sheegay in isaga lagu soo koriyey.
“Waa bandow xaggii dhaqanka.” ayuu sii raaciyey.
“Waxaan soo arkay dumarkii Soomaalida oo meel lagu xiray.” ayuu sii raaciyey xildhibaan Axmed Ismaaciil oo baarlamaanka uu ka tirsan yahay ku sifeeyay mid ka weecday sidii laga filayey kadib markii lagu guuleysan waayey in qoondadii dumarka ee 30% la siiyo.
Mar uu soo qaaday xildhibaanka gudihiisa ayuu muujiyey niyadjab weyn oo uu ka soo qaaday baarlamaanka wuxuuna sheegay in uu waayey cid uu kala sheekeysto arimaha qoxootiyada Soomaalida, midnimada iyo qaranimada.
“Heer aan gaarey intaan xagga dambe iska fariisto oo aan buuggaag iyo wax iska akhristo.” ayuu u sheegay dadkii dhageysanayey. ayuu ku daray.
Hay’adihii dawlada oo aan shaqeyn
“Ama wasaaradda arrimaha dibadda tag ama tan beeraha tag ama xannaanada xoolaha tag, ama xafiiska madaxweynaha tag wax shaqeynaya ma jiraan.” ayuu yiri xildhibaanka.
Wuxuu tusaale u soo qaatay mar uu la kulmay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay [Axmed Samatar] inaysan jirin wax dhaqaale ah oo dalka yaallo taasoo ay dheer tahay karti darro laga argagaxo oo heysata hogaanka Soomaalida.
Derejooyinka la boobay
Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu si calool xumo ah uga sheekeeyay in heerka burburka gaaray arteed uu xitaa soo arkay dad sheeganaya DEREJOOYIN aaney lahayn sida Professor, Dakhtar, Injineer IWM.
Wuxuu kaloo sheegay inuusan jirin shaqaale Soomaaliyeed oo aqoon xirfadeed iyo tayo leh oo dalka jooga, wuxuuna tusaale u soo qaatay in hotelkii uu ka deganaa Muqdisho maalin maalmaha ka mid ah ay ka xumaatay qasaba biyaha musqusha markii uu maamulka hotelka ku wargeliyeyna loo sheegay in nin injineer ah oo Kenyan ah oo hotelka u shaqeeya loogu yeeray si uu farsameeyo.!!
Maxaa rajo ah
Xildhibaanka oo si aad ah uga fajiciyey dadkii dhageysanayey khudbadiisa ayaa gabagabadii soo qaaday su’aal uu naftiisa isweydiiyey oo ahayd “haddaba rajo ma jirtaa?”.
“Haa way jirtaa rajada ugu horeysaa waxaa weeye dawlada cusub iyo madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh, waa nin edeb leh , koley anugu wadaniyadiisa iyo kartidiisa shaki gelin maayo” ayuu sii raaciyey.
Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu markale dadka ku rajogeliyey in wadanku uu yahay qani oo noocyada macdanta ay ceegaagto loona baahan yahay nidaam iyo caqli looga faa’ideysto.  Wuxuu kaloo soo bandhigay in dhulka Soomaalida ee beeraha leh uu gaarayo sagaal milyan oo hektar kaasoo aan laga faa’ideysan.
Sidoo kale baarlamaanka cusub oo uu ku sifeeyay mid asan weli umulin uu ka qabo rajo inuu la yimaado isbedel.

2 comments:

Anonymous said...

I do consider all of the concepts you have introduced in your post.
They are really convincing and can definitely work.
Nonetheless, the posts are too short for novices. Could you please extend them a little from subsequent time?
Thank you for the post.
Take a look at my website ... satilik daireler gaziantep ibrahimli

Anonymous said...

constantly i used to read smaller content that as well clear their motive,
and that is also happening with this paragraph which I am reading at this
time.
Check out my webpage satilik evler ankara

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...