Saturday 22 December 2012

Maasooniya?da oo aqal ka furatay Jabuuti



Minneapolis (RBC Radio) Ururka Masooniyada (Freemasons), oo xubnihiisa lagu xanto inay si qarsoodi ah isugu xiran yihiin, ayaa xafiis ka furtay magaalada Jabuuti sanadkii 1997dii, sida uu wariyay wargeyska afka dheer, Le Monde Diplomatique.
Aqalkan xubnihiisu way sii kordheen oo wuxuu xiriir la leeyahay masooniyada Faransiiska ( French Freemasons) oo ka duwan Masooniyada Biritayn oo ah meesha ururkan ka unkamay ku dhowaad seddex qarni ka hor.
Masooniyada Biritishka waxaa lagu tilmaamaa mid aan diin ku shaqo lahayn, tan Faransiiskase waa mid rumaysan tixgelinta diimaha xubnaha aqallada masooniyada ( Freemason Lodges).
Lama oga in xubno ka tirsan dowladda Ismaaciil Cumar Geelle ay ka mid yihiin Aqallada Masooniyada ee Jabuuti. Sida Le Monde Diplomatique ay warisay, xubnaha ka mid noqonaya Aqalka Masooniyada Jabuuti waxay ku dhaartaan Quraanka Kariimka.
Dalalka horumaray xubnaha Aqallada Masooniyada waa inay xubinnimadooda sheegaan haddii ay doonayaan inay u shaqeeyaan hey’adaha dowladda waayo fikradda dad badan ka haystan Masooniyada ayaa ah mid ku xiriirisa ururka eex iyo u sadburinta xubnaha ururka. Sidoo kale lama oga in Masooniyada Jabuuti ay fidin doonto baalasheeda oo aqalo ka furan doonto Magaalooyinka waaweyn ee Dalka Soomaaliya.
Madax badan iyo dad caan ah baa xubno ka ah Masooniyada, waxana ka mid ah Suleymaan Guundogdu Demire, madaxweynihii hore ee Turkiga, sidoo kale asaasihii Turkiga, Kamaal Ataturk, ayaa xubin ka ahaa Masooniyada.
Raxanreeb

1 comment:

Anonymous said...

Normally I do not read article on blogs, but I wish to say that this write-up very compelled me to take a look at and do so!
Your writing taste has been surprised me.
Thanks, quite nice article.
Check out my web blog : treatment for acne

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...