Thursday 13 December 2012

Idiris Arna’ud: Mar Hadey Soomaali Maqan Tahay Jabuuti Waxba Loogama Arko Caalamka


Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arna’id (bidix) oo boorso dukumintiyada lagu rito gudoonsiinaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.
Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arna’ud Cali oo hadal markii ugu horeysay u jeediyey fadhi ay lahaayeen golaha baarlamaanka dawlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maqnaashaha dawladii dhexe ee Soomaaliya ay markasta caqabad ku ahayd horumarka dadka reer Jabuuti maadaama Soomaalidu garab u ahaayeen dadka reer Jabuuti.
“Soomaali mar hadey maqan tahay Jabuuti waxba ma ahan, waa ku khafiif [fudeyd] adduunka, waayo waxba looma arko, anaku waan yar nahay dadkeena aad buu u yar yahay.” ayuu yiri mudane Idiris Arna’ud oo isagoo Af Soomaali ku khudbeynaya la hadlay golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in haddii Jabuuti ay ahayd lahayd dal weyn oo kheyraad leh, markii Soomaaliya dagaaladu ka dheceen aaney dadka Soomaaliyeed meel kale u qixi lahayn.
“Dhammaan Soomaalida halkaa [Jabuuti] baanu ku heysan lahayn, gebigood qoxootiga waanu dejin lahayn laakiin nasiib daro ma lihin kheyraad badan mana nihin dal weyn sida Soomaaliya oo wax kasta oo kheyraad ah heysta.” ayuu sii raaciyey mudane Idiris Arna’ud oo hogaaminayey wafdi xildhibaanada baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.
Talooyin iyo dardaaran
Gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo si weyn uga hadlay dawladnimo iyo nabadda ayaa xildhibaanada Soomaaliyeed ku booriyey inay dhexda u xirtaan sidii ay dadkooda u wacyigelin lahaayeen si buu yiri, ay codka uga helaan marka ay doorashada timaado afar sano kadib.
“Hadda waxaa idin soo xulay odayaasha dhaqanka laakiin berito afar sano kadib waxaa idin doora shacabka, marka waxaad tihiin wakiilada shacabka waa in iyaka aad codka ka raadisaan.” ayuu yiri gudoomiyaha.
Wuxuu u soo jeediyey xildhibaanada inay xooga saaraan wacyigelinta shacabka dhanka amaanka iyo sidii dadka loogu sheegi lahaa in dawladu aaney ahayn wax xun, siday u dhigaan kooxaha mucaaradka, ayuu yiri.
“Waa inaad dadka u sheegtaan in qof Muslim ah oo la dilo aan janno lagu gelin, jannada ALLE ayaa iska leh ciduu doono ayuuna geeyaa laakiin laguma galo qof Muslim ahoo disho, siduu Illaahay Quraankiisa noogu sheegay.” ayuu yiri gudoomiyuhu.
“Iska ilaaliya qabyaalada iyo qolo qolada. Qabiilku Illaahay wuxuu noo siiyey inaanu isku garanno oo qura ee maahayn inaanu isku leyno oo isku xumeyno.”ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiye Idiris Arna’ud.
Mar uu ka hadlay kooxaha Islaamiyiinta ayuu sheegay in meel kasta ay joogaan laakiin Wadaada Diinta looga baahan yahay inay dadka diinta baraan oo suda saxda ah wax ugu sheegaan, isagoo gudoomiyuhu soo hadalqaaday in xitaa Jabuuti ay ka jiraan kooxo dadka si khaldan wax ugu sheega oo dumarka dharka gaagaaban qaata u aaneeya in dawladu sidaas fartay.

2 comments:

Anonymous said...

I think this is among the most vital information for me.

And i am glad reading your article. But should remark on
some general things, The web site style is ideal, the articles is really excellent :
D. Good job, cheers
Feel free to surf my web blog : borkum riff

Anonymous said...

Gгeat post. І used to be checking constantly
this blog anԁ I'm inspired! Extremely useful information specifically the remaining section :) I take care of such information a lot. I used to be looking for this certain info for a very lengthy time. Thanks and good luck.

Here is my site: http://pikavippis.net
Have a look at my site ...

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...