Thursday 8 November 2012

Madaxii Sirdoonka DF-ka oo la sheegay in uu Sweden iska dhiibay.



Written by Administrator on .
somalimemo.netMas'uuliyiin katirsanaa dowladii KMG-ka aheyd ee Shariif Sheekh Axmed madaxda ka ahaa ayaa la sheegay in ay isaga bexeen magaalada Muqdisho kadib markii ay jagooyin ka waayeen xukuumadda Cusub.


Warar laysla dhaxmarayo ayaa sheegaya in madaxii sirdoonka dowladda Federaalka Axmed Macalin Fiqi uu isaka dhiibay wadanka Sweden.


Fiqi ayaa la sheegay in uu ka war helay in Xasan Sheekh uu diyaariyay sarkaal kale oo booskiisa lagu bedeli rabo, magaalada Borlange ee dalka Sweden ayaa la sheegayaa in uu ku suganyahay Axmed Macalin Fiqi waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda ay dowladda Sweden ku dhawaaqdo magangelyada ay siisay shakhsigan Muqdisho ka cararay.



Baxsashada Fiqi ayaa ka dhigan fashil weyn oo soo wajahay wardoonka Dowladda Federaalka, ciidamada Mujaahidiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay dilal iyo qaraxyo ka dhan ah ka waday dowladda Federaalka.

Sirdoonka DKMG-ka ah iyo midka mareykanka ee Muqdisho ku sugan ayaa ku fashilmay in ay ka hortagaan howlgallo amni oo ay muqdisho ka sameeyeen ciidamada XSHM waxaana kamid ah howlgaladaasi qarxintii xaruntii wasiirada Harkaha iyo saamaha,qaraxii Tiyaatarka,dilkii wasiirkii arrimaha gudaha iyo howlgallo kale iyo madaxyo katirsan dowladda oo Muqdisho madaxyada looga guray.


Warkan ku aadan baxsashada Fiqi ayaa si weyn looga hadal hayaa wadanka Sweden balse SomaliMeMo ma xaqiijin karto saxnimadiisa balse wixii jira ayaa lafilayaa in ay maalmaha soo socda soo baxaan.


Xadiid Xaamid

SomaliMeMo

Muqdisho

Editor@somalimemo.net
admin@somalimemo.net

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...