Thursday 15 November 2012

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo Muqdisho ku Geeriyooday



Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta xanuun awgiis ugu geeriyooday Muqdisho xilli la doonayay in arrimo caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.

Maxamed Dheere oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dagaalka adag la galay xoogaggii Maxkamadaha Islaamka ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed sannadkii 2006 ayaa u geeriyooday xanuun hayay toddobaadyadii lasoo dhaafay kaasoo wax looga qaban waayay dalka gudihiisa.

"Waxaa la doonayay in maanta loogu qaado dalka dibaddiisa arrimo caafimaad , balse waxaa ku dhacay amarkii Alle wuuna geeriyooday," ayuu yiri Cabdifitaax Ibraahim Sabriye (Shaaweeeye) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii gobolka Banaadir xilligii Maxamed Dheere.

Duqii Muqdisho ayaa xanuun awgiis u yaallay maalmihii lasoo dhaafay isbitaal ku yaalla Xalane oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, iyadoo Cabdifitaax Shaaweeye uu sheegay in isla maanta lagu aasi doono Muqdisho, iyadoo aysan madaxda dowladda Soomaaliya ka hadlin geerida ku timid guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Maxamed Dheere ayaa wuxuu soo noqday guddoomiyihii gobolka Shabeellada dhexe iyadoo lagu xusuusto inuu ahaa hoggaamiyihii dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya kusoo dhaweeyay Jowhar, halkaasoo ay ku shaqeynaysay muddo sannad ka badan.

Dhanka kale, Maxamed Dheere waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa shaqsi inta badan eedeyn jiray mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna tan iyo markii laga qaaday xilka maamulka gobolka Banaadir uu ku noolaa magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.comMuqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...