Thursday 8 November 2012

Faahfaahin Wefdigii Kismayo Laga Celiyay Ee Madaxweyne Xasan Dulmi-Jadiid Ka Soo Diray Muqdisho


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Thursday, 08 November 2012 12:16

Wafdigii laga celiyey Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa noqdey Fedeexad lasoo gudboonaatey Dowlada federaalka, waxaa goor dhaweyd Villa Somalia kusoo gabagaboobey Kulan looga hadlayey, wafdiga Kismaayo lagasoo eryey, Nairobi waxa iyana ka socda abaabul la xiriira weeraraka siyaasadeysan ee  uu Madaxweynuhu ku dhaqaaqey.


Maanta oo khamiis ah  08/11/2012 waxaa shir deg deg ah isugu imaanaya, Gudiga Farsamada Jubooyinka,IGAD iyo koox dublamaasiyiin reer Galbeed ah oo laga carabaabey Dowlada Ingiriiska.


Waxaana lawada Cambaareeyey wafdiga uu Madaxweyne Xasan Sheikh u soo direy Kismaayo, oo goor dhaweyd laga war heley ujeedadooda.


Muxuu ahaa wafdiga, maxayse u socdeen…


Wafdigu wuxuu ka koobnaa laba diyaaradood, waxay isugu jireen, koox NGO ah, Gudi uu Madaxweynuhu u soo direy Kismaayo oo ay kamid ahaayen labo nin oo ka socda Dowlada Jabuuti, waxaa kaloo la socdey niman cadaan ah oo ka socdey Deeq bixiyaasha Hay’adaha Samafalka.


Gudiga Madaxweynuhu soo direy iyo labada nin ee Dowlada Jabuuti ka socdey


Villa Somali waxay ka war heleen in ay Kismaayo kusoo wajahan yihiin Jamcad Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Jubooyinka oo ay weheliyaan IGAD iyo Dublamaasiyiin kale, si ay Villa Soomaaliya arintaas uga hortagaan waxay si deg deg ah maanta u abaabuleen iney Kismaayo u diraan wafdi ka kooban 7 Xubnood oo  ay weheliyaan labo nin oo Jabuuti ka socda, ujeedadu waxay ahayd in Gudigaan ay soo diyaariyaan xaalada Kismaayo, gudigana loogu yeero Xaqiiqo raadis.


Jabuuti ayaa iyana loo adeegsanayay in laga dhigo Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo la socda Gudigaan Xaqiiqo raadiska ah ee ka socda Vila Somaliya.


Wuxuuna Qorshuhu ahaa in Gudigaan ay soo saaraan warbixin ka waramaysa Xaalad Kismaayo ayna Gudiga iyo Jabuuti ay qiimayn ku sameyaan, ka dibna u gudbiyaan beesha Caalamka iyo IGAD! Iyagoo sheeganaya in Dowlada Feederaalku soo qiimeysey xaalada Kismaayo.

Sababta ugu weyn ee qorshaan deg dega ah ay u sameeyeen Villa Somaliya ayaa ah iney ka hortagaan in Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Jubooyinka iyo IGAD ay soo sameeyaan Ama soo qiimeeyaan Xaalada jubooyinka, waxaa kaloo xusid mudan in Dowlada Federaalka, IGAD iyo beesha caalamku ay horey isugu ogaayeen in Gudiga Farsmada Jubooyinka iyo IGAD ay qabtaan howsha qiimaynta la xiriirta.

Kooxda NGO yada iyo labada nin ee Cadaanka ah

Wafdiga Kismaayo loo diidey iney galaan waxaa iyana weheliyey koox NGO ah kuwasoo watey labo nin oo ka socda mid kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee samafalka, waxaana loo wadey labadaan nin in lageeyo Kismaayo lagana dhigo in NGO-yada ka howl gala Muqidho ay soo qiimeynayaan xaalada Bini aadanimo ee kaalmada u baahan, waxaana soo xuley NGO oo yadaan oo wafdiga kusoo darey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waana naasnuujin qaawan oo la doonayey in Kaalmada loogu tala galay Jubooyinka ilaa Gedo lasoo marsiiyo NGO yada Muqdisho.

Wafdigii laga celiyey Kismaayo oo ahaa afgambi qorsheysan wuxuu waji gabax ku noqdey Villa Somalia, iyadoo dhinaca kale Nairobi laga cambaareeyey, IGAD iyo Beesha Caalamku waxay iclaamiyeen shir deg deg ah oo bari ka dhici doona Nairobi, waxaa shirkaan wada yeelanaya Gudiga Farsamada ee maamul u sameynta Jubooyinka, IGAD iyo qaar ka mid ah Beesha Caalamka.

Waxaana dhacday in waftiga dib dayuuradda loogu celiyey, wariyeyaashiina ay waayeen boos ay ka fuulaan dayuuradda. Halkaasooy wariyeyaasha ku xayiranyihiin wali.

Jabuuti iyo Xassan Sheekh Maxamuud


Waxaa la fahamsanyahay in dowladda Jabuuti iyo madaxweynaha cusub ay isku aragti ka yihiin arrimaha Kismaayo, iyadoo dowladda Jabuuti ay horey si cad oga hadashay, soona farogalisey arrimaha maamul u samaynta Jubbooyinka.

Afayeenka AMISOM ayaa waxa uu ka socdaa dalka Jabuuti, iyadoo uu doonayay in uu indhahiisa kusoo arko dhuxusha dekada Kismaayo ka dhoofeysa, balse taasi waxa ay ku kala aragti duwanyihiin ciidamada AMISOM ee Kenya ka socda oo iyagu xal u arka dhoofka dhuxusha.

Waxaana xusid mudan in waftiga uu Xaamud la socday dib loogu celiyey amar uu bixiyey sargaal ciidamada Kenya ka tirsan.

Maanta fadhi uu yeeshey golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayay wadmada ku kala jabeen arrinka dhuxusha ee Kismaayo, iyadoo waraaq uu golaha u direy madaxweynaha laga akhriyey fadhiga taasi oo uu ku diidanaa in la fasoxo dhuxusha la dhoofinayo.

Dagaal-Ooge-Goobaale iyo Dagaal-Ooge Indhacade

Gudigan Kismaayo loo soo diray ayaa waxaa ka mid ahaa Dagaal-Ooge Indhacade iyo Dagaal-Ooge Goobaa, oo iyagu ahaa  abaanduulayaashii  maleeshiyaddii mudada 10-ka sanno xooga iyo qoriga caaradiisa ku maamuleysay Kismaayo ee la baxday Dooxada Jubba, balse dadka deegaanka u yaqaaniin Dooxata Jubba,ayaa ka mid ahaa 8-da xubnood ee Dawladda u wakiilatay arimaha Kismaayo ee la soo tarxiilay loona diiday inay Dayuuradda ka soo degaan,Goobaale iyo indhacadde ayaa ah dhagarqabeyaal , dambiyo badan loo heysto


Goobaale iyo Indho-cadde  oo kaliya ma ahan Saraakiishii  Dooxatada Jubba ka tirsan ee arrimaha Jubbooyinka kasoo galay xagga dowladda, ee sidoo kale Shacabkamedia waxa ay ka warheysaa in nin mar afayeen u noqdey kooxdani uu ka midyahay gudiga farsamada maamul u samaynta Jubbooyinka, isagoo ku socda magaca dowladda, balse markani gobolka Gedo matalaya.

Ceel Biir ah Eey baa lagu sahmiyaa


Waxay u egtahay in waftigani dowladda iyo AMISOM ay sahan ahaan isaga hormariyeen koox warfidiyeeno ah oo badankood ka socdey warbaahinta caasimadda ee dabka sii hurineysa, kuwaasoo dayuurad ay keentey garoonka Kismaayo, dayuurada oo dib u noqotey si ay usoo qaado waftiga.

Waxaana dhacday in waftiga dib dayuuradda loogu celiyey, wariyeyaashiina ay waayeen boos ay ka fuulaan dayuuradda. Halkaasooy wariyeyaasha ku xayiranyihiin wali.

Dhuxusha Kismaayo


Socdaalka waftiga oo horey loogu wargaliyey in aysan magaalada imaan karin, islamarkaasina iyaga laftooda labbo jeer safarkooda baajiyey, ayaa waxa uu huwanaa kormeerka iyo ogaanshaha arrimaha dhuxusha.

Madaxweynaha cusub ayaa war saxaafadeed uu dhawaan soo saaray ku mabnuucey dhuxusha Kismaayo taala in la dhoofiyo, waxana uu haatan ka madax qabsanaa in amarkiisa la buriyey oo maalintii sedexaad ay dhuxusha dhoofeyso.

Waxaa kale oo amarkan ka horyimid wadamada Igad oo shir ku yeeshey Adis Ababa, kadibna isticmaaley qaanuun Qaramada Midoobey leedahay oo lagu baalmari karo cunaqabataynta haddii shuruudo gaar ah lasoo buuxiyo.

Qodob kale oo dhoofinta dhuxusha loo cuskaday ayaa ahaa in la isticmaalay awooda Igad iyo Midoowga Afrika oo iyagu xaq u leh in ay talaabooyinka qaar qaadaan iyagoon amar iyo ogolaansho oga baahneyn Qaramada Midoobey, xitaa haddii uu jiro qaraar arrinkaasi mabnuucaya.

Waxay u egtahay in muranka Kismaayo uu sii socon doono, laakiin aanan dheg jeleq loo siin doonin, hawlahana ay ku socdaan xawaare sare


Jimcada waxaa Kismaayo ku wajahan Gudiga Farsamada oo ay weheliyaan IGAD iyo dhowr Dublamaasi oo ka socda Reer Galbeedka, waxayna u socdaan soo qiimeynta xaalada Goboladaas.

Puntlandi+Shacabkamedia

Shacabkamedia-Beyra-Puntland


Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...