DHAGEYSO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir Jaraa’id Kaga Hadlay Xaalada Kismaayo, Federaalka, Kaalinta Itoobiya Iyo Soomaalida Ku Nool Itoobiya

Addis Ababa (RBC)Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha wadanka Itoobiya Hailemariam Daseglen ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen xarunta madaxtooyada Addis Ababa [Arbacadii] waxay uga hadleen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya. [DAAWO SAWIRO]

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Itoobiya ay caawisay Soomaaliya tan iyo bilawgii sanadkii 1993 markaasoo, buu yiri shir dib u heshiineed ay u qabatay Soomaalidii markaasi dagaalamaysay.

“Itoobiya waxay markastaba garabtaagneyd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-kii oo ay u qabatay shir dib u heshiisineed- ma ahayn kii ugu horeeyay balse xaqiiq ahaan wuxuu ahaa kii ugu weynaa… Waanu qiimeyneynaa doorka Itoobiya ee xasilinta Soomaaliya ee mudooyinkii hore iyo xitaa maantadan, inkastoo ay jireen taariikh aad u adag oo ah mid hore- hore, laakiin Itoobiya waxay cadeysay inay ka soo gudubtay caqabadahaasi ayna u furtay fursad Soomaalida. Aniguna ka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waanu ka faa’ideysaneynaa fursadaasi ay Itoobiya siisay dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waanu la shaqeyneynsa Itoobiya si loo helo Soomaaliya oo fiican iyo xasilooni ka hirgala gobolka Geeska Afrika” ayuu sii raaciyey.

Dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya jooga

Mar uu madaxweynuhu soo qaaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya oo uu u adeegsaday ‘DADKA SOOMAALIYEED EE KU NOOL ITOOBIYA”, wuxuu yiri;

“Waxaad ogtahay kaliya ma ahan dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaaliya kuwaasi oo ah ‘marti’ kuwaasoo aaney marnaba cabasho ka imaanin, muwaadiniinteena ku nool halkan Itoobiya- gaar ahaan Addis Ababa” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo su’aalo laga weydiiyey Soomaalida ku nool Itoobiya ayaa carrabkiisa ka dhowray ka hadalka dadka Soomaali Galbeed [oo Itoobiya ay u taqaano Kilinka 5aad] isagoo kaliya ku gaabsaday Somaalida qoxootiga ah ee u qaxday Addis Ababa.

Xaalada Kismaayo

Waxaa kaloo madaxweynaha la weydiiyey su’aal ku saabsaneyd Kismaayo iyo buuqa ka taagan maamul u sameynteeda. Wuxuuna yiri;

“Marka ay timaado Kismaayo, Magaalada Kismaayo waxay ka mid tahay 18 gobol ee ku tilmaaman dastuurka Soomaaliya, dabcana waxay leedahay dhibaatooyinkeeda gaarka ah mudadii 22 sano ahayd ee tagtay. Kismaayo oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Soomaaliya iyo gobolka Jubba guud ahaan waxaa uu markastaba ku jiray gacmo is dhaafsi kala duwan oo u dhexeeya kooxaha ku dagaalamayey Soomaaliya, waqtigaasi hadda waa uu dhammaaday” ayuu yiri.

Wuxuu intaa sii raaciyey;

“Waxaanu dooneynaa inaanu wax ka qabanno Kismaayo iyo Jubba iyagoo ah qeyb ka mid ah Soomaaliya, amana heyno daaweyn gaar ah ee waxaanu rabnaa inaanu adeegsano siyaasadeena ku wajahan dhismaha hay’adaha dawliga ah ee heer gobol iyo mid deegaan. Dawladeydu waxay masuul ka tahay federaal ka dhigida dalka”.

“Haa Kismaayo waxay ka mid tahay meelaha ugu dambeeyay ee laga xoreeyay al Shabaab lagana yaabee inay taasi qeyb ka tahay qaab dhismeedka deegaan ee ay gaarka u leedahay, anagoo og dhamaan waayo aragnimadaasi waxaanu rabnaa inaan ula macaamilno sida qeyb ka mid ah Soomaaliya, waxaanu rabnaa in dadka deegaanka la awoodeeyo, in dadka deegaanka fursad loo siiyo ay ku dooran karaan hogaamiyaashooda, dawlada dhexe ee Soomaaliyana waxay fududeyneysaa habkaasi, waanu sameyneynaa taasi, mar hore ayaana bilawnay taasi”. ayuu yiri madaxweynaha.

Federaalka Soomaaliya iyo caqabadahiisa

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in inkastoo dalka loo dejiyey inuu noqdo federaal, haddana aysan jirin wax sharciyo ku saabsan federaal oo horey dalka uga jiray, dadkuna aysan u diyaarsaneyn ku dhaqanka nidaamkaasi.

“Sida aad ka warheysiin Soomaaliya waxay qaadatay nidaamka federaalka iyo dastuur federaal ah, mid ka mid ah waajibaadka dawladayda wuxuu yahay in dalka ay ka dhigto federaal taasina waxay dhab ahaan qaadaneysaa waqti. Taariikhda dawladnimada Soomaaliya waxa uu mar walba tilmaamayay nidaam dawlad dhexe oo sareeya, 30-kii sano ee Soomaaliya ay xorta ahayd illaa 1992-kii dhamaan sharciyadeena waxay u sameysnaayeen nidaamka dawlada dhexe” ayuu sheegay madaxweynuhu.

“Sidaa awgeed caqabada hadda na heysata waxay tahay, marka ay timaado federaal ka dhigida wadanka in la helo qaab dhismeedkii sharciga ahaa ee federaalka, ma rabno inaan soo celino khaladadkii iyo fashilkii horey loogu dhacay – fashil ka dambeeyay fashil, sidaa darteed waqtigan waxaanu meelmarinay nidaam aanu ka soo bilaabeyno in sharci laga sameeyo awoodsiinta dadka gudaha ee deegaanada si ay u fahmaan dadku waxa uu federaal yahay iyo waxa ay tahay kaalinta iyaga laga rabo inay ka ciyaaraan federaalnimada. Isla markaana baarlamaankeenu wuxuu ku lug leeyahay sidii u soo saari lahaa qaab dhismeedka sharciyada lagama maarmaanka u ah federaal ka dhigista wadanka”.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA



AMA HALKAN KA DHAGEYSO

Comments

Popular Posts