Monday 29 October 2012

Maanta waa 21/October waaa maalinkii uu dalka Somalia ka hirgalay kacaankii ciidamadu hogaaminayeen.


Maanta waa 21/October waaa maalinkii uu dalka Somalia ka hirgalay kacaankii ciidamadu hogaaminayeen. Hadaba waa muhiim in aan xasuusno Kacaankaas oo dalka Somalia ka hirgaliyay hormaro badan oo la taaban karo. Sidoo kale kacaankaas waxaa lagu eedayaa in uu kow ka ahaa bur burkii dalka.

Hadaba aniga oo maanta Xusaya Maalintaan Taarikhiga ah aan ku hormaro wax qabadkii kacaanka. Ugu horeyn Maxamed siyaad Barre AUN waxaa uu ahaa hogaamiye daacad ah Somali ah aragti hogaamiyenimo oo rasmi ah leh. Wuxuu ahaa halyay aan ka baqin waxkasta oo danta dalka iyo dadku ku jirto.Maxamed Siyaad waxaa uu Somalia u horseeday in ay sanado yar gudohood ku gaarto heer aan wali la arag.

Hadii aan in yar ka tilmaamo waxqabkiisii aan ku horeeyo isku fur furkii dalka. Maalinkii kacaanku dhashay dalku ma lehayn halwado oo laami ah. Waxaase kacanku dhisay laamiga dheer ee isku xira Muqdisho ilaa Boosaaso kan isku xira Garowe ilaa Hargaysa kan isku xira Muqdisho Ilaa Baydhabo.Sidoo kale Magaalada Muqdisho waxaa uu kacaanku ka dhisay 27 wado oo laami ah. Sidoo kale Kacaanku waxuu dhisay buundooyinka Balcad ,Afgooye ,Jowhar ,Baladwayne Buurhakaba ,Luuq iyo dhamaan inta buunto ee uu Tog ama Wabi hoos maro ee ku taal Dalka.

Hadii aan intaas uga gudbo wadooyinka Kacaanku waxaa kale oo uu  dalka ka hirgashay Warashado. Waxaanba dhihi karaa Kacaankii Warshadaha. Waxaa hubaal biyo kama dhibcaan ah oo cidkasta oo caqli iyo cilmi iyo dareen wadaninimo lehi ka maqraadi kacaysaa in uu kacaanku ahaa kacaankii warshadaha.Anagoo aan waligeen xataa hawaysan in aan abuuran karno warshado noocaas ah ayaa kacaanku waxaa uu si xasarad sare leh u hirgaliyay. Warshadii Dharka ,Warshadihii sonkorta tii mareerey iyo tii Jowhar oo dib loo dayac tiray,Warshadii Taraqa iyo sigaarka ,Warshadii Sibirka, Warshadii Baastada iyo Burka Warshadii Rasaasta iyo hubka ciidanka, Warshadii Kaluunka ee Laasqoray, Warshadii Barafuunka. Iyo sidoo kale Warshado yar yar oo aan ka xusi karo warshada galayda iyo  warshada caanaha.

Waxaa uu kacaankii Malitirigu dalka ka hirgaliyay Mashruucyo aad u tiro badan oo dhamaan tood ahaa kuwa ku saleysan iskaa wax u qabso.Maalinkii uu kacaanku dhashay dhamaan wasaarahada dalku waxaa ay daganaayeen hal guri oo kaliye ilaahayse waxaa uu qadaray wasaarad kastaa in ay hesho dhismo aad u wayn oo ay mulki u leedahay. waliba qaar ayaa labo iyo ka badan oo dhismooyin ah heley sida wasaarada Gaashaandhiga qaranka ,Wasaarada Isboortiska ,Wasaarada Warfaafinta  iyo Wasaarado dhowr ah.Dhamaan dhismayaashaas waxaa lagu dhisay iskaa wax u qabso iyo Qarankaaga ha hagran.

Waxaa uu sidoo kale kacaanku hirgashay Mashruucii la dagaalanka Gaajada ee muhiimadiisu aheyd in qayraadka dalkeena aan ka faa,iidaysano gaar ahaan in haba yaraatee wax cuno ,biyo ama caano ah aanan uga baahan dibada ee isku filaansho rasmi ah aan gaarno. Waana uu ku gulaystay kacaanku waxaana si rasmi ah loogu guulaystay mashruucii Bariiska ee Mugaanbi iyo mashruucyadii kale ee dalka wax soo saarkiisa kor logu qaadayay. Sidoo kale kacaanku waxaa uu guntiga dhiisha isaga dhigay in dalku uu helo koronto awood sare leh. Waxaana lagu guulaystay in la sameeyo biyo xireeeno dhalin kara awood koronto oo wada gaarta dalka sida kii Kuntu waaray.Nasiib daro inkasta oo himiladaas inbadan ka hirgashay hadana dalka ma aysan wada gaarin.Ma soo koobi karo waxqabadkii kacaankee bal markaan aan u bayro dhankaa iyo tacliinta.

Waxaa hubal biyo kama dhibcaan ah oo cidkastaa maanta abaal waara ka haysaa hirgalintii farta Afkeena hooyo taasna waxaa ku guulaystay Dowladii Kacaanka.Waxaa sidoo kale kacaankii barakeysnaa uu wadanka ka hirgashey Waxbarasho lacag la,aan ah laga soo bilaabo iskuul hoose ilaa Jaamacad, xataa waxaa uu kacaankii barakeysnaa ku taamay in ardada dhigata dugsiyada sare iyo Jaamacadaha dalka ay helaan lacag guno ah siiba maalmaha fasaxa ah sida ,Iidaha ,Jimcayaasha iyo maalmaha dabaaldagyadu jiraan sida Maantoo kale.Guushii waxbarasho ee uu kaancu dalka u horseeday ma tiran karee aan ku koobo wadanka Somalia sanado yar kudohood ayaa  looga baahi tiray dhankasta oo aqoon ah. waxaa la soo saaray Dhaqaatiir aqoon sare leh, waxaa la soo saarey Injineero lagu kalsoon yahay, waxaa la soo saaray Macalimiin meeqaam sare leh, Waxaa la soo saare Saraakiil si sare loo carbiyay, Waxaa la soo saaray mufakiriin odorosa aahayaha danbe iyo Saynisyahno cilmi sare leh, Waxaa sidoo kale la soo saaray siyaasiyin da,yar iyo  Saxafiyiin xirfadoodu sareyso.


Soomaalidu waxay ku maah maahdaa faanoole fara kama qodna. Hadii aan iraahdo waxaan soo goobayaa wax qabadkii kacaanka anigaaba huba oo waan oomi doonaaye aan markaan idin leexsho dhankaa iyo xoreyntii gobaladii Dalka.Waxaa Tawradii barakaeysneyd ,Kacaankii uu hogaaminayay alla ha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre uu boorka ka jafay himiladii umadan sharafta iyo cisiga leh,Waxaa uu kacaankaaan Barakeysan gaaracay laabyaashii sanadada badan ku taamayay maalin uun in ay arki doonaan Somalia oo wada xor ah.Waxaa uu kacaankii Barakeysnaa buunka ka jafay damiirkii wadaniga ahaa ,waxaa uu ka dhiidhiiyay dulmigii foosha xumaa ee lagu hayay dadkeena Soomaaliyeed.Waxaa ruxmay guud ahaan qalbiyada wadaniga ah. waxaa soo caraftay Maalintii lawada sugayay.

Waxay ay aheyd waajib wadani ah oo aan laga baaqsan karin.Waxaa dagaal geesinimo lagu ekeeyey gumeysigii madoobaa iyo kii saan cadaha ahaa ee ismodsiiyay in uu sii haysan karo ummadaan cisiga iyo karamada sare leh.Ciidankii xooga Dalka ee loo carbiyay sida heerka sare ah loona dhameystiray guud ahaan qalab iyo gaadid waxay u baahnaayeen ayaa u ruqaansaday dhankaa iyo goboladii gacanta ugu jiray gumeystayaashii caqli gaabyada ahaa. 

Maalmo yar gudohood waxaa soo yeertay Jabuuti baa xorowday. Maalmayo Yar dabadeedna Dhulkii iyo cirkii ayaa isla dhawaaqay waxaa diyaaradhii xooga dalka Soomaaliyeed dul heehaabeen caasimadii xabashida,Dhulkii ayaa la gariiray. Meel ay galaan ayay waayeen maalmo fara ku tiris ah ayaa lagu xoreeyey Jigjigo, Harar iyo Dirir dhabe,Geesiyaashii maladayaasha ahaa waa ciidankii lagu ladaye waxaa ay sanka saareeen wadadii Addis Ababa gayn laheyd aan kuu soo koobee galbeed ayaa waxaa lagu xoreeyay maalmo fara ku tiris ah.

Sidoo kale waxaa godol cabsi keentay godladay Kenya waxay bilowday in ay somalia kabaha u qaado. Waxay bilowday in ay laaluush bixiso waxay bilow baryo iyo sasabasho,Alla way oo way Somalidaa ku maah maahda ninkii Qayrkiis loo xiirow adna soo qoyso Kenya waxay ogeyd in seeftu ku socoto. Caqlibayse laheyd markay kaba qaadka noo noqtay waxay si cad oo aan ka laab laabasho laheyn u cadeysay in maalin cad ay ka guuri doonto gobalada NFD. Alla way oo way ma, maanta ayay kenya shiidaalkeygiii ubucdayda yaalay hawaystay aduunyoy waayo badan. 

Waxaan xasuustaa in nin oday ahi ii sheegey maalin maalmaha ka mid ah oo ahayd maalin taarikhi ah in gabar ka mid ah gabdhihii xooga dalku ay inta u istaagtay si karti ,geesinimo iyo  kalsooniyi ka muuqto u tiri Anaga gabdhaha ah kaliya hana loo daayo kenya. Ragu waa in ay xoreeyaan Soomaaligabeed iyo Jabuuti. Kenya waxaa ku filan gabdhaha Soomaaliyeed,Wale shalay maanta ma ahan. 

Aduunyoy Waala lay aduunyoy waayo badan maanta kenya waxay ku taamaysaa in ay mulkiso Magaalooyin iska daa in ay hawaysatee xataa sirdoonkeedu ka baqi jiray in uu galo. Alla ciil iyo calool xumo waynaa Alla maanta awood yari badanaa. Waaan hubaa hadii dadkeygu midoobo ,hadii dadkeygu ka talaasulo qolkan yar ee qabiilka, hadii dadkaygu aragti wadani ah la yimaado in meeshii shalay iyo ka korba an gaari karno.Su,aashuse waxay tahay dadkaygu waa dad noocee ah mase laga yabaa in ay ka tanaasulaan qolka yar ee qabiilka.Maya kolay rajada rabi lagama quusto laakin anigu rajo aad u badan kama qabo. Waayo dadkeygu maanta waxay noqdeen riwaayad shaleemo ka shidan.Maalin walba waxaa xalfado loo qabta qabiil goboleed waxay isku xag xagtaan beel beel iyo jufo jufo. Waxay isku fiirsadaan si hoose oo liidnimo ah.Cadowgeena soo jireenka ah waa ay ku kala hormaraan ,Ukala tar tamaan ,Una kala nacab leeyaan. Hubaashii waxaa hubaal biyo kama dhib caan ah in aan maanta u joogo ciil iyo coloolxumo wajigabax iyo yax yax.Aniga oo Somali ah in aan adoon sanwayn aan u ahaado adoon waa maalin aduunyo iyo la joogeeda. 

Ugu danbeyntii aan ku soo gaba gabeeyo talo aan usoo jeedinayo guud ahaan ummdan sharafta iyo cisiga leh ee Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.Walaalyaal dhalinyaro  ma ogtihiin in mustaqbalkeeni lumay? Soo ma ogidin in aan ku soo kornay Ciil iyo Calool xumo, Qaxooti iyo Liidnimo, Gaajo iyo Dagaal!?.Walaalyaal Caruurteena ma wadadii aan soo marnay ayaan ku sii daynaa.Maya walaalayaal waxaa jirta Wada kale. Waxaan u horseedi karnaa Guul iyo Barwaaqo Sharaf iyo Cisi Aqoon iyo Dharag.Walaalyaal maanta waxaa wadankeenii ka hana qaaday hanaan  Dowladnimo Ha iska lahaado dul duleelo laakin hadiii aan la shaqayno. Macanaha hadii aan anagu iskaa wax u qabso kula shaqeyno.Hadii walaalayaal aan u istaagno aayaha dalkeena.Hadii aan la shaqeyno ciidanka ,Wasaaradaha ,Hay,adaha amniga iyo guud ahaan dowlda oo hadafkeenu ahaado sidii aan ku soo ceshan laheyn sharaftenii iyo karaamadeenii. Hadii walaalayaal aan u shaqeyno si daacad ah wadaninimo ah. Waan hubaa in aan  soo noolaan doonaa hubaashii haa waan soo noolaan donaa.Waan soo ceshan karnaa sharfteenii.Haa gacmaheena ayaan ku soo ceshan karnaa.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Howl gurigaaga ayaa laga bilaabaa.
Anigu waxaan la shaqeeyaa Dowlada Somalia. Habeyn iyo maalin waan soo jeedaa waxaana u shaqeeyaa iskaa wax u qabso. Waxaana ku haminayaa in aan ka bad baadsho caruurtayda. Halaagii aan soo maray iyo foolxumada maanta qarankeenu Dhaxyaal walaalyaal idinkana sidaas ayaan idinka Rajaynaa 
 
Mahadsandiiin
Cali Aar Caroone 
Aarcaroone@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...