Friday 12 October 2012

Maanta oo ah 12kii Oktoober 2012 kuna beegan sannad guuraddii 58aad ee helida astaanta calanka qaranimadda soomaaliyeed



Filed under: News | 
Maantoo kale 12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee eg samada xiddigta Shanta geesoodka ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federalka Somalia.
Dalkeenna waxaa soo maray Sadex Calan kuwaas oo kala ahaa Calanka gumeystihii Talyaaniga iyo kan Ingiriiska oo jiray 1941-dii ilaa 1950-kii waxaana 1954-tii Qaramada midoobay dalkeenna ku wareejisay Talyaaniga si uu xornimo u gaarsiiyo iyadoo qaramada midoobay magacawday Sadex waddan oo dusha ka kontoroolayay sida uu Talyaanigu u maamulayay dalkeenna, kuwaas oo kala ahaa waddamada Masar, Colompia iyo Philibin, waxaana markaasi dalka ka jiray calanka Talyaaniga oo uu wehliyo kan Qaramada Midoobay,  qorshahaasi xornimo gaarsiinta ahna waxaa ka shaqeeyay xisbigii Leegada.
Haddaba isla sanadkaasi 1954 waxaa loo baahday in la helo Calan uu yeesho dalkeenna mar haddi la helay nidaamki xornimo gaarsiinta, waxaa la soo bandhigay naqshado farabadan hase yeeshee isla sanadkaasi 12 Obtober 1954-tii maantoo kale Allaha u naxariistee  Maxad Cawaale Liibaan oo ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga Leegada ayaa jeebkiisa ka soo bixyay Calanka hadda jira ee buluugga ah.
Calankan Buluugga ah ee xiddigta ku leh bartamaha ayaa ah kan caalamka oo dhan noo aqoonsanyahay,  waana mid sharaf iyo maamuus ku leh qof kasta oo muwaadin Soomaali ah, waxaana loo soo maray halgan adag oo dhiig farabadan ku daatay, qiimaha, ixtiraamka, karaamada iyo jaceylka ay u qabaan ummadda Soomaaliyeed Calankeenna suubban darteed markii la garaaco Musigga astaanta u ah Calanka dadkoo dhan wey sara kacaan iyagoo taagnaada ilaa uu dhamaado muusigga astaantaCalanka.
Ma aha wax la soo koobi karo halganka adag ee waddaniyiinta Soomaaliyeed usoo galeen Calankeenna,  waxaana xusud mudan in halgankii ugu dambeeyay ee lagu difaacayo Calanka uu yahay kan imminka socda ee dalka lagaga saarayo kooxda Shabaab iyo Alqaacidda kuwaas oo iyagu diiday jiritaanka calankeenna iyo Soomaalinimadeennaba waxeyna dharaar cad meelo fagaare ah ku gubeen Calankeenna aynu Jecelnahay.
Hase yeeshee waxaa arrintaasi ka dhiidhiyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad, iyadoo malleeshiyaadkii shabaab ee doonayay in ay calan madow ku bedelaan calnkeenna sharafta leh laga saaray Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, iyadoo haatan uu Calankeennu ka dulbabanayo Muqdisho iyo dhammaan gobollada dalkeenna marka laga reebo meelaha kooban oo ay wali dalka ugu harsanyihiin Shabaab iyo Alqaacidda.
Ma aha wax qoraal oo kaliya lagu soo koobi karo jacelylka iyo karaamada uu Calankeennu ku leeyahay quluubta waddaniyiinta Soomaaliyeed meel kastoo ay ku noolyihiin.
W.Q. Mowliid Maxamed Sabriye

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...