Friday 12 October 2012

Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay tirakoob lagu sameynayo guryaha ku yaalla shan degmo iyo Qoysaska ku nool



Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooyin ka tirsan Muqdisho ka billaabay howlo lagu tira-koobayo shacabka ku nool iyo guryaha, taasoo uu maamulku sheegay inay qayb ka yihiin howlo lagu sugay ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Cabdi-kaafi Hilowle Cismaan ayaa sheegay in howshan ay tahay mid lagu tirakoobayo guryaha ku yaalla degmooyinka iyo qoysaska deggen si milkiilaha guriga iyo qoyska daggan loogula xisaabtamo wixii ammaan-darro ah ee dhaca.

"Howshan waxaan ka billownay shan degmo oo gobolka Banaadir ka tirsan, waxaana lagu baahin doonaa degmooyinka kale ee gobolka si ammaanka loo adkeeyo," ayuu yiri C/kaafi Hilowle oo intaas ku daray in howshan muddo laga baaraan-dagayay.

Degmooyinka howshan laga billaabay ayaa waxay kala yihiin: degmada Xamarjajab, Xamarweyne, Waaberi, Shibbis iyo Boondheere, iyadoo howsha tirakoobka laga billaabay degmooyinka, inkastoo aan la ogeyn xilliga la dhameystirayo.

"Qoysaska guryaha deggen iyo milkiilayaasha guryaha la daggan yahay waxaa laga qori doonaan taleefoonnada, si xaalada loola socdo. Haddii qoys uu ka guuro guri ma dhacayso in markiiba gurigaas la kireeyo, balse waxaa fasax looga qaadanayaa booliiska iyo nabadsugidda, si loo ogaado qoyska gurigaas dagay," ayuu yiri Hilowle.

Waa markii ugu horreysay oo tirakoob lagu sameynayo degmooyinka Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, muddo hadda laga joogo 21 sano, balse lama oga sida howshan loogu guuleysan karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...