Saturday 27 October 2012

Dr Cabdiwali Gaas oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyey Bacaadweyn, Burtinle, Jalam, Kalabayr & Garoowe (Sawirro)


Garoowe (RBC) Raysul’wasaarihii hore ee dalka Somaliya  Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kasoo kicitimay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug  ayaa Cagta soo mariyay deegaano badan oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo Garowe intuusan caasimada Puntland soo gaarin.
Dr gaas ayaa waxaa ka mid ahaa goobihii uu soo maray Degaanada Bacaadweyn Burtinle  Jalam Kalabayr  iyo tuulooyin kale oo dhawr ah iyadoo dad badan ay isugu sooo bexeen wadada weyn si ay uga qayb noqdaan soo dhaweynta Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horayna u ahaan jiray Raysulwasaarahii Dowladii kumeelgaarka ahayd ee waqtigeedu  idlaaday.
Degmada Burtinle oo ahayd meeshii ugu xooga badnayd ee lagu soo dhaweeyay Mudane Cabdiweli ayaa loogu sameeyey Xaflad weyn oo soo dhaweyn ah iyadoo ay kasoo qayb galeen dhamaan shacabka masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Burtinle, waxa ayna sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin imaanshaha Cabdi Weli ee Degmada waxaana halkaasi lagu soo bandhigay gabayo buraanburo iyo murti kaladuwan oo soo dhaweynta qayb ka ahayd.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale markuu soo gaaray magaalada Garowe waxaa duleedkeeda kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo waxgaradkale iaydoo sidoo kalena uu Xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman faroole halkaasi oo qado sharaf loogu sameeyey,  mudane cabdi weli, waxa uu sidookale gurigiisa kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyadoo ugu dambaynah mudane cabdi weli iyo wafdigiisa ay usoo ruqaansadeen dhanka qasriga loogu talagalay martida ee magaalada ku yaala.
Dr Cabdi Weli oo saxaafada shir-saxaafadeed u qabtay ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro boqasho uu ku sameynayo inta badan gobolada puntland kaasi oo la xiriira bariidin iyo is xog wareysi waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida loo soo dhaweeyey iyo dhamaan dadkii uu kulanka la qaatay ee sida qalbiga furan uga qayb qaatay soo dhaweyntiisa.
Dr Gaas oo mar la weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo hadalheynta ku saabsan in uu u taaganyahay Musharaxnimada Puntland ama Xisbi sameysanayo ayuu taasi gaashaanka u daruuray.
” Hadii aan ehelkeyga soo booqanayo taasi macneheedu ma waxa weeye in aan sharaxnahay? maya sida la mooday maahan anigu arintaa uma socdo dhowrjeer oo horena waa layweydiiyay hadana waan ku celinayaa anigu waxaan u socdaa in aan soo booqdo deegaanada puntland inta aan ka gaaro intaas wax dhaafsiisan oo aan idiin sheegi karo ma jirto.
Mar sidookale la weydiiyay in uu sii ahaanayo Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federaalaka somaliya ayaa sheegay in waxwalba ay waqtiga ku xirantahay isla markaana hadii uu fursad iyo waqti kaamil ah u helo uu xilkaasi gudan doono waxa uuna hoosta ka xariiqay marwalba in midnimada iyo sinaanta umada somaliyeed uu ka shaqeynayay hadana uu diyaar la yahay wax walba oo dhankiisa looga baahdo.
Dr Cabdiweli Maxamed Cli Gaas ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda gaaro Magaalooyinka qardho iyo Bosaso iyo Gobolada Kar-kaar Iyo Bari ee Puntland ka tirsan iyadoo kadibna sida uu inoo sheegay laga yaabo in safar Dibada ah u boxo.
Ibrahim Muse dahran (Wadani)
Wakiilka (Raxan-Reeb) Garowe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...