Monday 29 October 2012

Dowlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dilkii Gen. Maxamed Faarax Goordan Oo Ay Dileen Al-Shabaab


Muqdisho (RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa kahadashay dil shalay loo gaystay Sargaal sare oo ka tirsanaa ciidamada xooga dalka isla markaana hogaaminayay guuto ka mid ah guutooyinka ciidamada dolwada ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Gen Maxamed Faarax Goordan ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo udhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM iyo Al-Shabaab.
Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya C/qadir Maxamed Siidii ayaa sheegay in sargaalkaasi uu geeriyooday isla markaana dowlada Soomaaliya ay tacsi u dirayso.
Wuxuu tilmaamay dagaalka lagu dilay sargaalkaan ka tirsanaa ciidamada dowlada inuu ka dhacay meel ku dhow magaalada Marka isla markaana uu ahaa mid gaadmo ah oo lagu soo qaaday Askarta dowlada.
Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa dhanka kale sheegay in ay ka go’an tahay in Shabaab ay ka saaraan guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose, inta ay doonto ama waqti dheerba ha ku baxee.
Al-Shabaab ayaa ku faanay dilka sargaalkaan sare ee ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay sii wadi doonaan weerara ay ku bartilmaameedsanayaan saraakiisha dowlada.
Ugu danbayntiina maanta ayaa lagu wadaa in  Gen Maxamed Faarax Goordan lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalaya saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...