Friday 12 October 2012

Cabdi Qeybdiid “Maamulka Hobyo cid isku qabsan karto ma jirto Galmudug ayay hoos-tagtaa”



October 12, 2012 | Posted by admin
Cabdi Qeybdiid “Maamulka Hobyo cid isku qabsan karto ma jirto Galmudug ayay hoos-tagtaa”
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa ka hadlay shaqaaqo shalay ka dhacday degmada Hobyo, markii isaga iyo Saraakiil Ajaaniib ah ay booqdeen degmadaas, kadibna weerar lagu qaaday.
Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in uusan garaneyn sababta ka dambeysa weerarka lagu qaaday, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxo burcad badeed ah.
“Shalay markii aan magaalada nimid ayaa weerar nagu soo qaadeen kooxo burcad badeed, ma agaran karno sababta ka dambeysa”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo xalay ku hoyday Hobyo, iyadoo wafdigii Cadaanka ahaa ay ku laabteen Galkacyo.
Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Hobyo uu ka arimiyo Maamulkiisa, isla markaana aanay jirin cid ku qabsan karta maamulka magaalada, isagoo ka digay in la huriyo colaad iyo dhibaato sida uu yiri.
Afhayeen u hadlay Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in Hobyo ay la mid tahay sida Galkacyo oo labo u qeybsan, isagoo ku eedeeyay Ciidamo uu horkacayay Cabdi Qeybdiid inay yimaadeen qeybta Hobyo Maamulka Ximin iyo Xeeb ka arimiyo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug uu qorsheynayo inuu furo Dekeda Hobyo, si ay u noqoto deked wax lagala soo degi kara, inkastoo Maamulka Ximin iyo xeeb ay sheegeen inay ka soo horjeedaan.
Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa si fir fircoon uga howl gala Burcad badeedka, iyadoo deegaano ka tirsan lagu heysto ajaaniib la qafaashay oo uu ku jiro Wariye Jarmal ah oo asalkiisa dambe yahay Mareykan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...