Saturday 27 October 2012

Axmed Godane oo Cajalad Soo Duubay Kagana Hadlay Magaalooyinka Laga Qabsaday Al-Shabaab Iyo Dawlada Cusub (Warbixin)


Muqdisho (RBC) Amiirka ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (oo Shabaabka ugu yeeraan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Subeyr) ayaa cajalad lagu soo beegay munaasabadda Ciidda Adxa oo shalay kuu beegneyd waxaa uu kaga hadlay dagaalada ku socda ururka Al-Shabaab iyo magaalooyinka lagala wareegay bilihii la soo dhaafay.
Cajaladan oo soconeysay ku dhowaad 16 daqiiqo, una muuqatay in telefoon looga duubay ayuu ugu horeyn kaga hadlay dagaalada ururka Al-Qaacida kaga jiro wadamada Ciraq, Yemen iyo Afghanistan isagoo sheegay in guul darrooyin ay la kulmeen Mareykanka iyo xulufadiisa.
Arinta Bariga Dhexe iyo Yuhuda oo uu soo qaaday ayuu sheegay in kadib markii maamuladii Carbeed ee Yuhuuda taageeri jiray ay meesha ka bexeen ay hadda cabsi soo foodsaartay Yuhuuda.
Gobolada laga qabsaday Al-Shabaab
Axmed Cabdi Godane, inkastoo uusan faahfaahin badan caadi ahaan ka bixin hawlaha ururka Al-Shabaab ayuu haddana soo qaaday wax uu ugu yeeay “duulaan ka dhan ah Islaamka soo hanaqaaday” ee Soomaaliya.
“Hadafka kale ee duulaankaasi waa boobka kheyraadka dalka, gaar ahaan shidaalka iyo macaadinta maadaama dunida ay soo foodsaartay burbur dhaqaale, Soomaaliyana ay u arkaan keyd ka mid ah keydadkooda..” ayuu yiri hogaamiyaha Al-Shabaab oo ka hadlay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.
Wuxuu intaa ku daray in sababta dawlada Soomaaliya looga saaray ku-meelgaarka ay tahay si looga faa’ideysto kheyraadka Soomaaliya loogana fushado heshiisyo, sida uu sheegayo Godane.  Wuxuuna siyaasiyiinta dawlada hogaamisa ku eedeeyay inay dadkii iyo dalka khiyaameeyeen.
Mar uu ka hadlay degmooyinka gobolada koonfurta Soomaaliya ee lagala wareegay Al-Shabaab kadib duulaan ay ku qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawlada inaysan waxba ka bedelin maamuladii Al-Shabaab oo deegaanada ay weli sidoodii ugu shaqeynayaan.
“.. Arintaasi waxaa marag u ah ugu horeyn, maamuladii Wilaayaadka Islaamiga sidii ayey u dhisan yihiin, waana shaqeynayaan hadey tahay garsoor, dacwad, caafimaad, xisbo [boolis] intaba” ayuu yiri Axmed Godane.
Hogaamiyaha Al-Shabaab wuxuu soo gelitaanka ciidamada Kenya ee magaalada Kismaayo ku tilmaamay khalad taariikhi ah oo ay galeen wadamada reer Galbeedka, isagoo sheegay in farxada qabsashada Kismaayo aysan sii nagaan doonin.
Wuxuu sheegay in isballaarinta ciidamada AMISOM ay keeneyso inay khasaarooyin badan kala kulmaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Fariinta Axmed Godane ayaa loo maleynayaa in la soo duubay maalinimadii Ciidda ee shalay wuxuuna bilawgii Cajalada dadweynaha ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda.
Waa Cajaladii ugu horeysay oo uu Axmed Godane soo diro tan iyo markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ay gacanta ku dhigeen degmooyin fara badan oo muhim u ahaa ururka Al-Shabaab ayna ku jirto magaalada Kismaayo.
Bishii June ee sanadkan ayuu cajaladiisii ugu dambeysay soo diray taasoo uu kaga hadlay bilawgii hawlgalada ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada. Waxaana xilligaasi ay ku beegneyd waxyar kadib markii dawlada Mareykanka ay ku dhawaaqday in $33 milyan ay duldhigtay madaxda ugu sareysa Al-Shabaabtaasoo Godane uusan cajaladiisa kaga hadlin.


RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...