Thursday 6 September 2012

Gudiga Doorashada Oo Soo Bandhigay Magacyada Musharaxiintii Buuxisay Foomka Sharuudaha Laga Doonayo



Published on September 5, 2012 by    ·   15 Comments  ·   5,145 views
Gudiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay magacyada xubnahii soo buuxiyay sharuudaha laga doonayo qofka u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Afhayeenka gudiga doorashada Madaxweynaha Xildhibaan Cusmaan Libaax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shan qof ay soo buuxiyeen sharuudihii looga baahnaa musharaxiinta taas oo ay ka mid aheyd in uu bixiyo lacag dhan 10,000, in uu haysto codadka 20 xildhibaan waxa uuna xusay in dadka qaatay foomamka ay gaarayaan 30 qof.
Dadka soo buuxiyay foomamka ayaa waxa ay kala yihiin
1 Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo”
2 C/raxmaan Macalin C/llaahi “Baadiyoow”
3 C/llaahi Axmed Cadoow
4 C/weli Maxamed Cali “Gaas”
5 C/llaahi Cilmi Goonjeex
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxa uu intaa ku daray in maalinta berito ah ay ku egtahay qabashada araajida musharaxiinta maalmaha soo socdana ay hortagidoonaan baarlamanka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...