Tuesday 11 September 2012

Afhayeenka Al-Shabaab: Doorashada Ma Aqoonsanin, Waana Wadeynaa Dagaalka Illaa Dhulka Laga Xoreeyo


Muqdisho (RBC) Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay mid aan ka tarjumeyn rabitaanka dadka Soomaaliyeed.
Cali Dheere ayaa sheegay in doorasho aan la dhihi karin bedelaada Shariif Sheekh Axmed balse ay tahay oo kaliya in la isku bedelay dadka u shaqeeya wadamada shisheeyaha.
“Xarakatu Shabaab ma aqoonsana doorasho ku sheeg iyo inay tahay danta dadka Soomaaliyeed, waxay wakiilo u yihiin wadamada reer galbeedka iypo wakiiladooda ku sugan gobolka” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab.
War saxaafadeed qoraal ah oo uu ku saxiixnaa afhayeenka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in doorasho xor ah oo caddaalad ah aysan ka dhici karin wadan la heysto, sida uu hadalka u dhigay.
“Bedelaada Shariif Axmed waxay ka dhigan tahay jahwareerin lagu sameynayo dadka Soomaaliyeed ee lagu soo duulay” ayuu sii raaciyey Cali Dheere hadalkiisa.
Dhanka kale afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku goodiyey in dagaalka ay sii wadi doonaan illaa inta ay ka xoreynayaan dhulka Soomaalida oo uu sheegay in kheyraadkiisa la boobayo dhaqaalahiisana la burburinayo.
Hadalka afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo laga baahiyey idaacadaha ay leeyihiinAl-Shabaab sidoo kalena lagu faafiyey bogaga internet-ka ee ay adeegsadaan ururka Al-Shabaab ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka soo yeera kooxda ee ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda in ka yar 24 saac xilka madaxweynanimo haya.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...