Wednesday 4 July 2012

War Murtiyeedkii Kasoo Baxay Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya 2-3 Luulyo 2012, Roma

 

Moqdisho 04,July, 2012- Shirka 22aad ee Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG) ayaa lagu qabtay magaalada Rome 2da ilaa iyo 3da Luulyo 2012, iyadoo uu guddoominayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya qaramada midoobay Dr. Augustine Mahiga iyo wadamada Norway iyo Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Giulio Terzi, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Sharif Xasan Sheekh Adan, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali iyo wakiilo ka socda Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaca ayaa dhamaan shirka ka hadlay.

Hanaanka Siyaasadeed

Kooxda xiriirka caalamiga ayaa dib-u fiirin ku sameysay horumarada siyaasadeed, waxayna ku cel celisay sida ay uga go’antahay xiliga ku meel gaarka inuu dhamaado 20ka bisha siddeedaad 2012 sida ku xusan Axdiga ku meel gaarka, heshiiskii Jabuuti, heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo shirarkii wadatashiyada ahaa ee xigay. Gaar ahaan, Kooxda ICG ayaa soo dhoweysay heshiiska ay wada gaareen madaxda dowladda mar ay shir isagu imaadeen magaalada Nairobi 22 June isla markaana isku af gartay qabyo qoraalka kama dambeysta ah. Qabyo qoraalka ayaa la hor keenayaa Golaha Dastuurka Qaranka si ay u saxiixaan si ku meel gaar ahaan.

Kooxda ICG ayaa walaac ka muujisay dib-u dhaca mar walba ku yimaada wakhtiyada kama dambeysta ah ee loogu tala galay in hawlaha lagu dhameystiro. Kooxda ayaa waxay ka codsatay dhinacyada Soomaalida inaysan dib-uga dhicin wakhtiyada hawlaha loogu tala galay sida furitaanka (12ka Luulyo) iyo xiritaanka (20ka Luulyo) Golaha Dastuurka Qaranka, iyo in lasoo xulo Barlamaanka federaaliga ayna dhacdo doorashada afhayeenka Baarlamaanka cusub iyo ku/xigeenadiisa (4ta August) iyo doorashada madaxweynaha (20ka August). ICG ayaa codsatay in si de deg ah ay hawshooda u bilaabaan gudiga dhex dhexaadinta odayaasha, xafiiska is-ku duwidda saxiixayaasha Roadmap-ka, gudiga fududeynta farsamada iyo gudiga doorashada farsamada si looga qeyb galiyo hanaanka doorashada.

Midda ku saabsan baarlamaana federaaliga ah ee cusub, kooxda waxay sheegeen in loo baahan yahay in baarlamaanka cusub uu ahaado mid ka shaqeeyo rabitaanka shacabka gaar ahaan tayada xubnaha baarlamaanka, dheeli tirnaan xagga jinsiyada iyo awooda fulinta go’aanada dowladda.

Khariidad shaqo ee isku dhafan waa in loo hagaajiyaa baarlamaanka cusub iyo dowladda, taasoo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo qaab dhismeedka laanta sharci fulinta dowladda si sare looga qaado ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo cadaaladda.

Kooxda ayaa hoosta ka xariiqday fariintii ay si wadajir ah u qoreen kuna saabsaneyd qas-wadayaasha iyo kuwa ka soo horjeeda geedi socodka nabadda in loo gudbinayo golaha wasiiraha ee IGAD iyo kooxda daba galka ee QM si cuna qabateyn looga soo oogo.

Kooxda ICG ayaa xustay horumarada laga sameeyay Roadmap-ka waxayna ku baaqeen in la dhameystiro hawlaha dhiman. Balse wakhti xaadirka waxaa diiradda la saarayaa dhameystirka xiliga kumeel gaarka. Kooxda ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda cusub ee Soomaaliya in ay dejiso qaab lagu doonayo in la isla wada arko waxyaabaha mudnaanta la siinayo 60ka beri ee ugu horeysa. Kooxda ayaa balan qaaday inay gacan ka geysanayso shirka ugu horeeya ee la qabanayo dowladda cusub bisha September kaasoo lagu falan qeynayo waxyaabaha muhimadda la siinayo.

Kooxda ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday kaniisad ku taala Kenya iyo afduubidda shaqaale samafal.

Kooxda ayaa balan qaaday inay gacan ka geysaneyso taageerida ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista sharciga.

Qodobka Nabad galyada

ICG waxay amaantay guulaha militeri ee ay gaareen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda iyo xulafadooda sida dowladda Ethiopia iyagoo ka hor tagay khatarta kooxaha Al-shabab.
Kooxda ayaa ku cel celisay taageerada ay u hayaan ehelada dadka ku geeriyooday dagaalada. Iyagoo aqoonsaday in AMISOM ay ku guuleysatay ilaalinta rayidka hadana ugu yeertay kooxaha isku haya Soomaaliya inay ilaaliyaan shaacabka gaar ahaan haweenka iyo caruurta. Waxay baaq u direen hey’adaha gargaarka in gargaarka ay gaarsiyaan kuwa u baahan.

Inta lagu guda jiray shirka, ICG waxay aqoonsatay saxiixa Hussein Arab Isse oo ah ku/xigeenka raisul wasaaraha/wasiirka difaaca iyo midka Dr. Augustine Mahiga oo ah wakiilka gaarka ah ee xoghaya QM kaasoo ku saabsan qorshe laisla wada meel dhigay ee askareynta caruurta.

ICG ayaa soo dhaweysay qorshaha golaha ammaanka ee QM 2036 kaasoo balaariyay waajibaadka hawlgalka AMISOM iyo kordhinta ciidamada AMISOM. Kooxda ayaa soo dhoweysay ciidamada Jabuuti, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone. Kooxda waxay kaloo soo dhoweysay dadaalada dowladda KMG sida ay u dooneyso inay u mideyso ciidamada dowladda si hal meel looga wada xukumo. Teegeero loo fidinayo AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kamid ahaa waxyaabaha ay soo dhoweysa kooxda isla markaana ciidamada hore ee dowladda in la taageero iyaga iyo reerahooda.

Kooxda ayaa ugu baaqday Al-shabab iyo kooxaha kale inay colaadda joojiyaan ayna ku soo biiraan hanaanka nabadeed.

Sanadada soo socda, Soomaaliya waxaa laga rabaa inay gacanta ku dhigto ammaanka iyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda isla markaana de dejiso sameynta ciidamo qaran oo suga ammaanka.

Madaxa kooxda ICG ayaa soo magac qaaday arrin soo cusboonaatay oo ku saabsan burcad badeeda. Kooxda ayaa soo magac qaaday warbixintii ugu dambeysay ee Shirkii Dubai ee ka hor tagga burcad badeeda kaasi oo la qabtay bisha June 28 si dowladaha gobolka ay awood lagula dagaalamayo burcad badeeda u yeeshaan isla markaana lagu dhowrayo shuruucda caalamiga ee la dagaalanka burcad badeeda.

Qodobka Xasilinta

Iyadoo goobo badan lagala wareegay kooxaha Al-shabab, waxaa loo baahan yahay in la sameeyo maamulo ka arimiya goobahaasi si loo sugo ammaanka goobahaasi. Kooxda ayaa qoonsatay dadaalada dib-hushiisiineed iyo xasilineed ee dowladda kumeel gaarka. Waxaa kaloo goobta shirka laga sheegay qoraal ay soo diyaarisay dowladda Talyaaniga kaasoo tusme mise hage u noqon kara qorshayaasha dowladda ee cusub.

Kooxda ayaa waxay amaantay horumarada maamulada Somaliland, Puntland, Galmud iyo Ahlu Sunna Wal Jamaca kuwasoo sugay amaanka isla markaana keenay maamul wanaag. Dadaaladan waan is la sii wadaa lana taageeraa.

Qodobka Cadaaladda

Kooxda waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la sameeyo laan cadaaladda ka shaqeysa ee madax banaan, gaar ahaan taageerida cadaalad loo sameeyo haweenka iyo kooxaha taagta daran. Kooxda ayaa balan qaaday in maamulo iyo maxkamado loo sameeyo goobaha la xoreeyay.

Xiriirka Caalamiga

Kooxda ayaa soo dhoweysay natiijooyinka shirarka qabsoomay laga soo bilaabo bisha labaad (February). Shirkii London ayaa dar dar geliyay hanaanka siyaasadeed, taageerida AMISOM iyo ciidamada dowladda iyo dadaalo la soo cusbooneysiyay ee lagula dagaalamayo burcad badeedda iyo argagixisanimada.

Gole la xisaabtamo dhaqaalaha dowladda isla markaana ka hor taga musuqmaasuq waa muhiim in la sameeyaa.

Shirka labaad ee lagu qabtay Istanbul ayaa soo shaac bixiyay muhimadda dib- u heshiisiinta, hey’ado u sameynta dowladda iyo dib- u dhiska laamaha dowladda. Gaar ahaan shirka Istanbul wuxuu xoogga saaray baahida loo qabo in dhaqaale lagu dayactiro wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee dowladda, fududeynta waxyaabaha aasaaska u ah nolosha. Shirka saddexaad ee lagu qabtay Dubai ayaa isna waxaa ka soo baxay qodobo muhiim ah oo ku aadan ka hor tagga burcad badeeda.

Kooxda ICG ayaa sheegtay inay is-bedel ku sameyneyso qaababkeeda shaqo si looga diyaar garoobo dhamaanshaha xiliga kumeel gaarka isla markaana loo taageero Soomaaliya. Is-bedelada ayaa waxaa kamid ahaan doona hagaajinta koox masuul ka noqota hanaanka siyaasadeed iyo xoojinta xiriirka ururada horumarineed, midda cadaaladda iyo ammaanka.
Kooxda xiriirka caalamiga ICG ayaa u maha celisay dowladda Talyaaniga sida wanaagsan ay u marti qaadeen shirka waxayna soo dhoweeyeen balan qaad wadanka Koofur Afrika uu sameeyay inay marti galineyso shirka xiga ee 2013.

Ka qayb galayaasha/Kormeerayaasha

African Union, Belgium, Burundi, Canada, China, Denmark, Djibouti, East African Community, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development, International Development Law Organisation, Islamic Development Bank, Italy, Japan, Kenya, Korea (Republic), League of Arab States, Netherlands, North Atlantic Treaty Organisation, Norway, Organisation of Islamic Cooperation, Qatar, Saudi Arabia, Somalia (TFG, TFP, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Wal Jama’a), South Arica, Spain, Sudan, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Arab Emirates, United Kingdom, United Nations, United States of America.
Xafiiska Warfaafinta ra'iisal wasaaraha Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...