Thursday 5 July 2012

Talyaaniga oo ku soo biiray Boobka Badda Soomaaliya (Blocks L21, L23, L24 oo ah Gudaha Soomaaliya oo Kenya heshiis shidaal baaris kula gashay shirkadda ENI)

 

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in saddex aag oo cusub ay heshiis shidaal sahamin kula galeen shirkadda laga leeyahay dalka Talyaaniga ee ENI. Saddexda aag oo kala ah Blocks L21, L23 iyo L24.
Sida ku cad khariidadda (eeg lifaaqa) iyo xogta uu soo ururiyey dublomaasiga Soomaaliyeed, Bashiir Sh. Maxamed, aaggaga ay ilaa hadda Kenya heshiiska kula gashay shirkadaha shidaal sahaminta, isla markaasna gudaha ugu jira dhul-badeedka Soomaaliya, waxaa kamid ah:
  • Anadarko: Block L5,
  • Total : Block L22
  • ENI (Talyaani): Block L21, L23, L24
  • Statoil (Norway): Block L26
Eeg Khariidadda (PDF) -(lifaaq)
Sidoo kale waxaa Kenya heshiis shidaal sahamin aagga L22 kula gashay shirkadda TOTAL.
Warbixin ay July 2, 2012 qortay hay’adda wararka ee Reuters waxay aagaggasi ku tilmaantay in ay dhacaan dhul ay “isku hayaan” Kenya iyo Soomaaliya., ayadoo adeegsatey kemedda “Dhulka Muranku ku jiro”, taas oo ah oraahdii ay Kenya dooneysey markii ay heshiiska Is-faham la saxiixatay DFKMG.
Warbixinta Reuters waxay sheegatay in guddoomiyaha ama madaxa Kenya u qaabilsan Batroolka oo magaciisu yahay Martin Heya uu yiri “Waxaa Nairobi (xukuumadda Kenya) ay shidaal sahamiyaasha u xaqiijisay in aagaggaasi ay ku negaan doonaan (ahaan doonaan) dhul ay Kenya leedahay” (Heya said Nairobi had reassured explorers the blocks would remain Kenyan.)..
Dhanka Soomaaliya, DFKMG ayaa u muuqata mid dadaal weyn ugu jirta sidii badda Soomaaliya muran loo sii gelin lahaa si mustqabalka ay faraha uga baxdo sidii NFD, taas oo markhaanti ay ka tahay warbixinada heshiisyadaas iyo qaabka madaxda Kenya u hadlayaan oo madaxada DFKMG iska indha saabayaan.
Dhanka kale waxaa jira in qodobo kamid ah dastuurka ay DFKMG dooneyso in ay dhaqan geliso ay muujinayaan in dhulka Soomaaliya muran la gelin karo.
“Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafka soohdimaha caalamig ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi…” waa farqad lagu siyaadiyey qodobka 7aad ee Dastuurkii lagu soo saxiixay Nairobi Jimacadii June 22, 2012 AKHRI…
  • Blocks L21, L23 and L24: Questi blocchi sono all’interno delle acque territoriali della Somalia, informi che per gli italiani.
Aaggagga Khariidada ka muuqda, iyo sida ku cad warbixinta Dublomaasiga, waxay muujinayaan in ay gudaha ugu jiraan dhulbadeedka Soomaaliya, gaar ahaan aagagga Blocks L5, L21, L23, L24, L22, L26.
Warbixinadda shirkadda Talyaaniga ah ee heshiiska la gashay Kenya (aaggaga gudaha ugu jira dhulka Soomaaliya), waxay soo baxeen xilli uu Magaalada Roma shir kaga qayb gelayo ra’iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaas iyo guddoomiyhii hore ee baarlamaanak DFKMG.
Dalalka kale aaggaas danaynaya waxaa kamid ah Norway oo lug weyn ku lahayd heshiiskii Is-fagarad ee soo bilowday 2009.
Dhanka Norway, Waxaana jira heshiis qarsoodi ah oo DFKMG iyo Norway dhexmaray oo ku saabsan sidii dad Soomaaliyeed oo gaaraya 1422 qof si khasab ah loogu celin lahaa Soomaaliya, dadkaas oo Norway galay 2011, sidaas waxaa shaaca ka qaaday jariidad ka soo baxda Norway.
Jariidadu waxay sheegtay in heshiiskaasi si qarsoodi ah u dhex maray DFKMG iyo Norway, ”Toddobaadkii hore waxaa Oslo uu kulan qarsoodi ah ku dhexmaray xogyahay guud ee xukuumadda Norway iyo wasiirka arrima gudaha ee Soomaaliya C/samad Macallin Maxamuud”.


  • Blocks L21, L23 and L24: Questi blocchi sono all’interno delle acque territoriali della Somalia.
Qoraalka Reatures waxaa ka mid ahaa:
Kenya closes seven more exploration deals
“We signed seven blocks in one week. Eni signed three (offshore) blocks, L21, L23 and L24,” Martin Heya, Kenya’s petroleum commissioner, told Reuters in an interview.
“Things have been going very well … we’ve been very busy.”
Heya said since the Tullow oil strike Kenya had begun demanding more favourable terms, increasing the cost of exploration for investors.
“They were not very happy about that,” said Heya. “But we are no longer a frontier country. You pay an arm and a leg for a license,” he said.
Total’s Block L22 and Eni’s L21, L23 and L24 are all in a cluster starting about 100 kilometres off Kenya’s northeast coast in deep water.
“With this operation, Eni further strengthens its leadership in the Sub-Saharan region where it is already present … with an operated overall production of 450,000 barrels of oil equivalent per day and a rapidly growing exploration activity,” Eni said in a statement.
At 1056 GMT Eni’s shares were up 0.77 percent, outperforming the country’s main index, which was up 0.27 percent.
However, the blocks lie in a contested area at the centre of a dispute between Kenya and Somalia. The two coastal nations disagree over the location of their boundary line in the Indian Ocean.
The row between Kenya and Somalia threatens to upend some exploration rights that Kenya has granted to oil and gas companies, which have already started exploring in the area.
Heya said Nairobi had reassured explorers the blocks would remain Kenyan. (Martin Heya is Kenya’s petroleum commissioner).
Full story read at reuters website
Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:
________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...