Tuesday 12 June 2012

Jubba Express Oo Laga Dhacay $ 29,000 (Faah-Faahin)

Muqdishio (RBC Radio) Maamulka Shirkada Xawaalada Jubba ayaa ka hadlay dhac shaley shirkada ay u geesteyn rag ku labisan dharka ciidamada dowladda.
Guddoomiyaha Shirkada Jubba Express Koonfurta Soomaaliya Cabdu- Qaadir Cali Siyaad Joolaal ayaa sheegay in rag ilaa afar ah ay soo galeyn shirkada 9-kii subaxnimo ee shaley, iyadoo xilligaas shaqo maalmeedkii ay socotay,
Wuxuu sheegay markii ay soo galeyn afarta qof oo watay seddax qori iyo bistoolad ay ilaaladii xarunta ku amreyn in hubka dhigaan, dabadeedna waxa ay soo aadeyn ayuu yiri shaqaalaha iyaga qoryo ayey ku qabteyn, waxana markii dambe ay aadayn qasnada ay ku jirtay lacagta.
Wuxuu sheegay in ilaa 29,000 oo dollarka Mareykanka in ay qaateyn.
Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu sheegay in qolyaha dhacay xawaalada Jubba ay wateyn gaari, mana u ekeen ayuu yiri kuwa cabsanaya oo sida ay rabeyn ayey u dhexmareyn shirkada oo dhan.
Mar la weydiiyay xawaaladaha iyo shirkadaha Muqdisho waa kuwa hubeesan, siddee ayey ugu suura gashay in lacag intaas oo dhan la idinka ka qaato? wuxuu yiri Joolaal ” Waa sax oo dhamaan waa lawada hubeesan yahay, laakin iyadoo sidaas ah ayaa maamulada meesha ka jira hubka kaa manuucaya , adigoo marka diyaarsaneyn ayaa waxa dhacaysa waxyaabahan kale, laakin waa cashar laga barto” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay markii dhaca loo geestay xawaalada in durba ay la xiriireyn hey’addaha ammaanka iyo maamulka ka jira degmada Howlwadaag.
Wuxuu sheegay in hadda ka dib ay isku tashan doonaan oo aysan arrimo noocan oo kale ku dhici doonin sida uu hadalka u dhigay.
Ma aha markii ugu horeysay oo dhac loogeysto qaar kamid ah shirkadaha xawiladaha ee magalada Moqdisho.
RBC Radio
==================
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...