Saturday 16 June 2012

Faahfaahin: Qarax Weyn Oo Goordhow Ka Dhacay Afgooye

Afgooye (RBC) War hadda naga soo gaaray degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax weyn uu goordhow ka dhacay dugsiga sare ee bartamaha Afgooye gaar ahaan baar ismaaciil.
Goobjooge ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay oo diiday magaciisa in loo adeegsado war-baahinta ayaa u sheegay RBC Radio in qaraxa lala bartilmaameestay gaari ciimada Pooliska ay lahaayeen oo halkaas maraayay kuwaas oo soo gaaray khasaaro ballaaran oo an la ogeyn tiradooda inta uu la egyahay.
Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ahaa miino nooca laga hago meelaha fog, waxana durba markii qaraxa uu dhacay laga maqlay rasaas xooggan oo ay furayaan ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo goobta soo gaaray.
Waxa hadda ku sugan goobta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kuwaas oo baaraya wax yaabaha sababay qaraxa goordhow ka dhacay degmada Afgooye oo 30 km galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa xoogiisa in laga maqalay magaalada oo dhan, waana qarixii ugu weynaa ee ka dhaca Afgooye tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeyn magaaladaas bishii la soo dhaafay.
Ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha uu geestay qaraxa lala bartilmaameestay ciidamada, manna jiro cid saxaaafdda la hadlaym,wixii ku soo kordha markasta kala soco Raxanreeb.com
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...