Monday 16 April 2012

Soomaali laga soo Tarxiilay dalka Mareykanka oo Maanta laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho


Isniin, Abriil 16, 2012 (HOL) — Sagaal qof oo Soomaali ah oo laga soo musaafuriyay dalka Mareykanka ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana intii aysan magaalada gelin baaris ku sameeyay ciidamada nabadsugidda ee dowladda KMG ah.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda KMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud Xasan oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dadkan laga soo celiyay Mareykanka lana baaray.
"Maanta waxaa garoonka diyaaradaha Muqdihso laga soo dajiyay sagaal qof oo laga soo celiyay Mareykanka, waxaana baaris ku sameeyay ciidamada ammaanka ka hor intii aysan magaalada gelin," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in baarista lagu sameeyay dadka musaafuriska ah ay ahayd sidii looga ogaan lahaa inay yihiin dad horay dalka dambiyo uga galay iyo in kale, isagoo xusay in markii la ogaaday inaanay dambi gelin la sii-daayay.
Dadkan tarxiilka ah ee laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo ay dowladda KMG ah ogolaato in lagu soo celiyo dalka, waxaase jirtay in dhowr jeer oo hore mas'uuliiinta garoonka ay diideen in dib loogu soo celiyo dalka dad tarxiil ah.
Sagaalkan qof oo dhammaantood ahaa rag ayaan la ogeyn sababta keentay in laga soo musaafuriyo dalka Mareykanka. Iyadoo la xusuusto in dalal badan oo Yurub ay dhawaan sheegeen inay dib ugu celinayaan Soomaaliya dad ay sheegeen inaysan u ogoleyn inay dalalkooda ku noolaadaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...