Thursday 12 April 2012

Ra’iisal Wasaare Gaas : Al: Shabaab Waxa Ay U Carrareyn Buuraga Galgala

Mogadishu (RBC) Ra’iisal Wasaaraha XKMG ah Soomaaliya Prof: Cabdi Wali Cali Gaas oo wareysi dheer ah siiyay wakaalada wararka The Associated Press ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Shabaab in ay u carrareyn buuraha waqootiga Soomaaliya, ka dib markii uu ku sii ballaartay cadaadiska ka immaanaya ciidamada dowladda KMG ah, kuwa AMSIOM iyo kuwa Ethiopia.
Ra’iisal wasaaraha, ayaa sheegay Shabaab in ay u baxsadeyn dhinaca iyo buuraha Galgala ee deeganada Puntland, ka dib markii ay awoodeyda ay yaraatay sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay Gaash, in saraakiisha sare ee Al-Shabaab ay hadda u wareegeyn deeganada Puntland halkaas oo uu sheegay in ay rabaan in ay xarun ka dhigtaan.
Buuraha Galgala, waxa horey ugu xooganaa kooxo dagaalyahano oo uu hoggaamiyo wadadaadka ku kacsan maamulka Puntland ee Maxamed Saciid Atam, kaa oo markii dambe sheegay in uu ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ku kacsan dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in ciidamo Al Shabaab ah oo ay ku jiran saraakiil sare ay soo galayaan mudooyinkan danbe dhulka buuraleyda ee Galgala.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay Shabaab dhulka iyo baddaba ay ka soo galeyn deeganada Punntland.
Al-Shabaab oo dhawaan sheegay in ay ka tirsan Al-Qaacida, ayaa waxa u dagaalamay dagaalyahano shisheeye, kuwaas badankood ku soo dagaalamay dalalka Ciraaq, Afghanistan iyo Pakistan.
Sidoo kale, Shabaab waxa ay qorteyn dhaliyaro Soomaali u badan oo ku soo barbaabay dalalka Maraykanka iyo Britain, waxana ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in uu jiro cabshadaas ku aadan in marka ay dib ugu laabtaan dalalka ay ka yimaadaan ay qaraxyo ka geesan karaan.
Waxa uu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaalida qurbaha ku soo koray ee ku biiraya Al-Shabaab in ay ka yimaadeyn magaalooyinka Minnesota ama London, si ay tababar ugu qaataan Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay Shabaabka dhalinyarada ay adeesadaan ay tahay arrin dhibaato weyn ku ah dalka.
Dhawaan ayaa ninka ugu sareeya shisheeyaasha ka barbar dagaalama Shabaab ee Cumar Hammami. oo ka soo jeeda gobalka Alabama in uu dhawaan cajalad muuqaal ah oo uu soo galiyay Internetka uu ku sheegay in uu ka cabsi qabto in nafsadii ay ku go’do Shabaab.
Ra’iisal wasaaraha oo la weydiiyay sida u arko hadalkaas wuxuu yiri ” in dowladda ay dili doonto haddii ay fursad ku hesho Hammami, maxaa yeelay buu yiri waa dambiile gacmaha dhiig kuwata.
Hammami waxa uu ka mid ah raga liiska ugu jira hey’adda FBI ee la doondoonaayo.
RBC Radio
—————————–
Xafiiska Wararka Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...