Sunday 8 April 2012

Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo guddi farsamo u magacaabay wada tashiga Somaliland & DFKMG

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland oo soo gaadhay Shabakada WardheerNews ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay gudi farsamo arinnka wada tashiga Somaliland iyo Dawlada Federaalka ku Meel Gaadhka ee Soomaaliya (DFKMG) . Warsaxafadeedkaasi waxa uu u qornaa sidan:


Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay Somaliland, dhineceeda fuliso, Go’aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Feberoury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaa uu magacaabay Guddi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka (Somaliland & Somaliya) kuwaas oo kala ah:
1. Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)
3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade
4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo
5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

Gudigani waxay ka qayb-gelidoonaan kulan gogol-xaadha oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan Magaalada London ee Cariga ingiriiska.



Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland
Md. Cabdilaahi Cukuse

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...