Thursday 9 February 2012

Tirada Dhimashada Qaraxii Hotelka Muna oo Korortay, Dhaawacyo Xaaladoodu Culus Tahay iyo Fadeexad ka Taagan Isbitaalada (Wararkii ugu Dambeeyey)


Facebook Recommendations

Share
Isbitaalka Madiina ee ay lahaan jireen ciidanka booliska Soomaaliyeed oo hadda dad gaar ah gacanta ku hayaan
Muqdisho (RBC) Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku nafwaayey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay gabaldhicii ka dhacay goob makhaayad ah oo ku dhow hotelka Muna ee magaalada Muqdisho iyadoo ay jiraan dhaawacyo xaaladoodu culus tahay oo isbitaalada yaalla.
Dhaawacyada ayaa la geeyey isbitaalada Madiina, Banaadir iyo Daaru Shifa oo dhamaantood ku yaalla Muqdisho, waxaana tiradada guud hadda ay mareysaa illaa 20 ruux.
Tirada dadka dhintay oo xalay fiidkii mareysay 11 ruux ayaa haatan gaartay 13 ruux ka dib markii labo ruux ay xalay dhaawacyo dartood ugu geeriyoodeen isbitaalada, sida uuxaqiijiyey wasiirka caafimaadka xukuumadda KMG ah Dr. C/qaadir Sheekh Yuusuf.
 Dadka geeriyooday waxaa ku jira dad xoogsato, wiilal yar yar oo kabo tirtirka (caseeyanimo) ku shaqeysan jiray iyo dad wadada socday kuwaasoo ay haleeleen waxyaabaha firirka bsmbooyinkii ku qarxay afaafka hore ee Biibitada Fatxi oo ku dhegan hotel Muna.
Illaa hadda dhaawacyada waxaa ku jira hal xildhibaan oo baarlamaanka KMG ka tirsan kaasoo xaaladiisu ay fududahay, sida xogta aan ku heleyno.
Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo xalay shabakada Raxanreeb la xiriirtay wuxuu sheegay inay jiraan dad xaaladoodu liidato oo dhaawacyo ah kuwaasoo uu sheegay inay u dadaaleen balse aysan wax badan u qaban karin.
Tayada isbitaalada iyo kharashka
Shabakada Raxanreeb ayaa dhanka kale ogaatay in dhaawacyadii geeriyooday qaarkood ay u dhinteen [marka tii Alle laga tago] adeeg xumo baahsan oo isbitaalada ka jirta iyo dhakhaatiirta oo shuruudo lacag ah ku xira qaliimada dadka u baahan, gaar ahaan marka ay jirto xaalad deg deg ah. Waxaase  sii dheer in isbitaalka Madiina xitaa jiifka dadka lacag looga qaato taasina waxay kaliftay in qofkii aan awoodin inuu iska bixiyo kharashka jiifka uusan bukaankiisa geyn isbitaalka.
Arintan ma ahan mid ku cusub isbitaalada Muqdisho waxayna caadi ka tahay dhamaan xarumaha caafimaadka ee magaalada ku yaalla.  DKMG ah oo hadda inta badan magaalada xukuntana ma maamusho isbitaalada ee waxaa heysta dad gaar ah oo ku shaqeysta mana jirto dhakhaatiir iyo isbitaal ay dawladu mushahar siiso.
Waxaa xalay saddexda isbitaal booqday wasiiro iyo saraakiisha ciidamada DKMG ah uuna ku jiray wasiirka caafimaadka.  Waxay sheegeen inay qorsheynayaan gurmad loo fidiyo dadka xaaladoodu liidato ee ku jira isbitaalada.  Mana cadda inay tahay gurmad dibadda loogu qaadayo iyo in kale walow ay weli waqti hore tahay wax ka qabashada dhaawacyada .


RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...