Saturday 18 February 2012

Qodobadii Heshiiskii Garowe iyo Arimo Yaab Leb oo ku Jira [AKHRISO]

Waxaa caawa markii ugu horeysay Shabakada Raxanreeb soo gaaray nuqul ka mid ah qodobadii heshiiskii Garowe ee ka soo baxay shirkii saddexda maalin 15-17-ka Febraayo ka socday magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Heshiiska ayaa ka kooban saddex qodob oo waaweyn oo kala ah;- Nidaamka Federaalka, Qaab Dhismeedka Dawlada iyo Ka shaqeysiinta heshiiskii hore ee Garowe “Garowe Principles”.  Waxaase yaab leh in heshiiska ay ku jiraan arimo shaki gelinaya diinta isla markaana dhaawac ku ah dadka Soomaaliyeed.
Waxaana halkan ku faahfaahinay qodobada ugu waaweyn iyo siday kala yihiin;-
QODOBKA 3aad; Baarlamaanka cusub ee federaalka
Waxaa qodobkan lagu tixay shuruudaha lagu qaadanayo dadka soo gali doona baarlamaanka ee Soomaaliya, kuwaasoo ay ugu horeeyaan da’da iyo dhalashada.  Waxaana ku qoran;-
- Inuu yahay Soomaali
- Inuu da’diisa/da’deedau dhexeyso 25 illaa 70 jir
- Aqoonta ugu yaraan dugsi sare (Waxaa laga saaray qodob horey loo soo jeediyey oo ahaa inuu heysto degree ama shahaado sare)
ARINTA DIINTA
Waxaa yaab iyo naxdin leh in Shuruudaha mudanaha baarlamaanka Soomaaliya laga saaray inuu yahay MUSLIM, Waxaana ku qoran sidan “Respect Islamic Values” oo micneheedu noqonayo (Waa inuu tixgeliyaa qiyamka Islaamka).  Ma waxaa jira cid aan Muslim ahayn oo Soomaaliya degan ama Soomaali wax ka ah?- Xitaa dastuurkii 1960-kii ee jamhuuriyadii Soomaaliya, kii Carta 2000, kii Mbagathi ee 2004 laguma qorin arintan!!!!!. [Sii fiican uga fiiri bogga 6aad ee heshiiska Garowe]
QODOBKA 2AAD; Golaha Dastuuriga ah
Waxaa lagu heshiiyey in gole loogu magacdaray “Golaha Dastuuriga” la sameeyo, kuwaasoo ka kooban 1,000 ruux.  Waxaa haddaba iyana ku jirta.
- In 30% golaha ay noqdaan haween (taasoo micneheedu yahay 300 xubnood ayaa haween noqonaya)  halka 700 hartay ay noqonayaan rag.
Laakiin waxaa isla 700 ee ragga haddana markale ku sii jirta “the remaining 700 men and women shall be selected from across section of society……” taasoo markale muujineysa in 700 ragga ahaa in haddana ay haween ku sii jiraan (lama oga in haddana 30% haween yihiin markaasna waxay noqoneysaa 600 haween inay ku jiraan Golaha Dastuuriga).  [Fiiri bogga 4aad ee heshiiska]

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...