Friday 10 February 2012

DKMG oo ka Hadashay Isku Biirida Al-Shabaab iyo Al-Qaacida

Muqdisho (RBC) Wasiirka Arimaha Gudaha DKMG ah Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa maanta ka hadlay dhawaaqa Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ka soo yeeray ee ah inay isku biireen.
C/samad Macalin Maxamuud ayaa ku tilmaamay talaabadaasi inaysan ahayn wax cusub maadaama buu yiri horay ay labada dhinac u ahaayeen kuwo isku mabda’ ah.
“Wax cusub meeshan kuma jiraan nimankaan horayba way isu wateen” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay in talaabadaay u midoobeen labada urur ay ka dhigan tahay taagdarida Al-Shabaab oo bannaanka timid.
C/samad ayaa sheegay in Al-Qaacida ay hore taageero u siin jiratay Al-Shabaab balse beryahan dambe ay jireen khilaaf u dhexeeya labada dhinac isla markaana awooda kooxda Al-Shabaab ay yaraatay sababo la xiriira dagaalada culus ee gobolada iyo caasimada Muqdisho looga qaaday.
Dhanka kale wuxuu wasiirku sheegay in dawladu ay sii wadi doonto hawlgalada lagu baacsanayo Al-Shabaab kuwaasi oo ku sufeeyey kuwo nabada dib loogu soo celiyo gobolada dalka, shacabkana looga dulqaadayo dhibaato uu sheegay in Al-Shabaab ay ku hayaan dadka ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Hadalka wasiirka aeimaha gudaha DKMG Soomaaliya ayaa noqonaya hadalkii ugu horeeyay ee ka soo baxa dawlada Soomaaliya iyadoo saacado uun laga joogo markii amiirka Al-Qaacida Eyman Al-Dawaahiri iyo kan Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane [Abu Zubeyr] ay shaaciyeen in Al-Shabaab ay rasmi ah u noqotay xubin ka tirsan Al-Qaacida.
Micnaha Isku biirida
Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay inay arday u yihiin Al-Qaacida hase yeeshee isku biiristan ayaa ka dhigan in wixii hadda ka dambeeya Al-Shabaab ay noqon doonaan askar ka tirsan Al-Qaacida una hawlgala qaabka Al-Qaacida.
Waxaa sidoo kale meesha ku jira in hawlgalada militari, dhaqaalaha, hogaanka iyo siyaasadaba ay toos uga soo fuli doonaan madaxda sare ee Al-Qaacida halkii hore Al-Shabaab gaar u ahaayeen wexeeda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...