Saturday 25 February 2012

Dagaal guulo laga sheegtay oo ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo

Sabti, Feberaayo 25, 2012 (HOL) — Dagaal ay guulo ka kala sheegteen dowladda KMG ah iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay maanta deegaan u dhexeeya degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Wararka laga helayo deegaanka uu dagaalku ka dhacay oo lagu magacaabo Geed-wayne ayaa sheegaya in dagaalku uu qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay ku weerareen hoobiyeyaal fariisin ay deegaankaas ciidamada dowladdu ku lahaayeen.

Inta la xaqiijiyay 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay, iyadoo intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxaase dhinac walba oo labada dhinac ah uu dagaalka ka sheegtay guul.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxay u sheegeen warbaahinta in dagaalku uu ahaa mid culus oo ayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma'suul u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen deegaankii lagu dagaalamay ee Geed-weyne, sidoo kalena ay tiro badan oo ka mid ah askarta DKMG ah ku dileen dagaalkaas, hub iyo saanad ciidanna ay kaga furteen.

Dhanka kale, Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa isaguna sheegay in dagaalka ka dhacay Geed-weyne uu ahaa mid fashilmay isla markaana deegaanka ay gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.

Shacabkii ku noolaa deegaanka lagu dagalamaya ayaa waxay billaabeen inay isaga barakacaan halkaas, iyagoo ka baqdin qaba in mar kale lagu dul-dagaalo iyadoo aan la ogeyn inta uu le'eg yahay khasaaraha shacabka kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay deegaanka Geed-weyne.

Xarakada Al-shabaab oo culeysyo milateri ay haystaan ayaa isku dayaysa inay dib u qabsato deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo horay looga qabsaday, iyadoo ay gobolkaas ku sugan yihiin ciidammo isugu Itoobiyaan iyo Kenyan taageeraya DKMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...